Safiir cusub oo Ingiriiska usoo diray Muqdisho oo lagu qaabiley Villa Somalia

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.

- DHAMAAD -

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM