Barcelona oo Bernabéu ku xasuuqday Real Madrid

Image

Waxaa galabta la ciyaaray kulanka ugu xiisaha badan Caalamka ee heer kooxeed oo loo yaqaano waxaana wada ciyaaray kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiisa badan, islamarkaana indhaha Caalamka ay wada daawanayeen, ayaa waxaa ka soo baxay Natiijo aan la filayn, ka dib markii Kooxda Real Madrid Garoonkeeda lagu Xasuuqay.

Qeybtii hore ee ciyaarta Kooxda Los Balancos, ayaa soo bandhightay qaab ciyaareed cajiiba, iyadoona u muuqatay mid ka guulaysankarta dhigeeda Barcelona, Real ayaana dhawr jeer isku dayday inay gaarto Shabaqa Barcelona.

Qeybtii hore ee ciyaarta, ayaana ku soo idlaatay bar-baro goolal la’an ah oo ay Labada Kooxoodba isku mari waayeen, walow Cristiano Ronaldo uu helay Fursado qaaliya oo goolal loo filan karay.

Markii dib la isugu soo laabtay ayey wax walba isbadaleen, kagadaal markii maamulka Ciyaarta ay la wareegtay kooxda Barcelona oo smeynaysay fursado Cajiiba, iyadoo Real Madrid ay siku dayeysay inay celiso weeraryahanada Kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta, ayaa mar qura waxaa isbadalay jawiga garoonka Barnabeu ka dib markii Gool aad u qurux badnaa oo uu ka soo shaqeeyay Raketic uu Shabaqa ku Hubsaday weeraryahanka Kooxda Bulgrana Luis Suarez oo ciyaarta ka dhigay 1-0 inay Hogaanka ku qabato naadiga Barcelona.

Los Balancos goolkaas loogama harin ee daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta, ayaa gool kale lagu helay waxaana Calaamada casanka ah qaatay daafaca lagu magacaabo Daniel Carvajal, ka dib markii uu gacantiisa ku soo celiyay gool gaari lahaa shabaqa Real Madrid.

Daqiiqadii 64-aad ee kulanka, ayaa kooxda Barcelona lagu abaal mariyay gool ku laad uu qaladkeeda lahaa Daniel Carvajal oo gabi ahan ciyaarta laga saaray, waxaana gool I badalay mucjisada kubada cagta ee Lionel Messi oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Wixii intaas ka danbeeyay tababare Zidane, ayaa Ciyaarta soo galiyay Marcos Asensio iyo Gareth Bale, Balse ciyaarta waxba kuma aysan soo kordhin.

Barcelona, ayaana daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta quusisay Los Balancos, ka gadaal markii gool cajiib ahaa uu ka dhaliyay wiilka badalka ku soo galay ee Alex Vidal.

Guud ahaan kulanka El clasico, ayaa ku soo idlaaday 3-0 oo guusha ay ku raacday wiilasha uu hogaamiyo Macallin Ernesto Valverde, kuwaa oo haatan ku jira qaab Ciyaareed aad u wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM