Barcelona oo ka badisay kooxda Real Madrid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Labada kooxood ee sida weyn u xifaaltama Real Madrid iyo Barcelona ayaa kulan ka tirsan horyaalka dalka Spain isku arkay garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid.

Kulankan oo lagu magacaabo El Calasico ayaa kusoo idlaaday 3:2 ay guushu ku raacday kooxda reer Catalans ee Barcelona, kuwaasoo guusha helay labadii daqiiqo ee lagu daray cayaarta.

Cayaarta oo ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, ayaa hogaanka waxaa qabatay kooxda Real kadib markii uu guul u dhaliyay laacibkooda khadka dhexe Carlos Casemiro.

Balse waxaa beeniyay xidiga reer Argentine Lionel Messi oo daqiiqadii 33aad kooxdiisa u dhaliyay gool aad u qurux badnaa.

Qaybtii dambe ee cayaarta ayay mar kale kooxda Barcelona qabatay hogaanka kadib markii uu gool kale uu dhaliyay xidigooda khadka dhexe Ivan Rakitić.

Waxaase beeniyay oo mar kale cayaarta bar-baro ka dhigay laacibka numberka 10aad u xirta Real James David Rodríguez, kaasoo badal kusoo galay.

Laacibka daafaca uga dheela Real Madrid ahna kabtanka kooxda Sergio Ramos ayaa qaatay kaadhka cas kadib markii uu khalad ku galay weeraryahanka Barcelona Lionel Messi.

Labadii daqiiqo ee lagu daray cayaarta ayaa kooxda Barcelona u sahashay inay la yimaadaan goolka Guusha oo mar kale uu dhaliyay laacibkooda Lionel Messi.

Barcelona ayaa hadda horyaalka ku haysa goolal maadama labada kooxood ay yihiin isku dhibco (75), balse Real ayaa waxaa baaqi u ah kulan ay la dheelayso kooxda Cel tavigo.

Kulankii hore oo ka dhacay garoonka Barcelona ayaa labada kooxood waxay kusoo kala baxeen min hal gool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM