Ciyaartooyda Puntland oo guul muhiima ka gaaray kuwa Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciyaartooyda maamulka Puntland ayaa u soo baxay kama danbeysta tartanka dowald goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii galabta Banaadir Stadium ay awood ugu sheegteen wiilasha gobolka Banaadir ciyaar ku soo idlaatay 1-0.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiisa badan isla markaana ay ka soo qeybgaleen taageerayaashii ugu badnaa inta uu tartanka soconayo ayaa waxaa galabta fooda isku daray ciyaartooyda gobolka Banaadir iyo kuwa maamulka Puntland.

Ciyaartan in ay ahayd mid xiisa badan isla markaana xasaasiya ayaa waxaa muujinaya cadada jamaahiirta labada dhinac u sacaba tumayay oo galabta xili hore soo buux dhaafiyay garoonka Banaadir Stadium.

Qeybtii hore ee kulanka labada dhinac ayaa waxay sameeyeen isku dayo fara badan oo goolal ay isaga doonayeen laakiin ciyaarta ayaa qeybtii hore ku soo idlaatay natiijo 0-0 ah.

Waxaa la isku soo laabtay wareega labaad ee kulanka waxaana labada kooxood ay sameeyeen badalo waxaana ciyaarta ku soo biiray wajiyo cusub laakiin ciyaarta ayaa ku sii socotay natiijo garbaro siman oo 0-0 ah.

Daqiiqadihii dhexe ee ciyaarta xidigaha Puntland oo weerar xoogan ku soo qaaday shabaqa ciyaartooyda gobolka Banaadir waxaana ay heleen goolkii koowaad ee ciyaarta markii ciyaariyahan Yacquub Cismaan uu laad galiyay shabaqa gobolka Banaadir

Intaa kadib natiijada kulanka ayaa isbadashay waxaa cirifyada garoonka ka bilawday ereyo lagu dhiira galinayo wiilasha Puntland oo goolka ku hormaray waxaana dhamaan si wada jira sare ugu kacay jamaahiirta Puntland ee garoonka xaadirka ku ahaa waxaana sare ay u qaadayeen astaanta maamulka Puntland.

Jamaahiirta gobolka Banaadir ayaa xaalada aad ugu xumaatay wiilasha Puntland ayaa difaaca aad u adkeeyay waxaana gool ay u diideen weeraryahanada gobolka Banaadir oo aad u caaboonaa isla markaana fusrado badan qasaariyay inta ciyaarta ay socotay.

Dhamaadkii kulanka ayaa la gaaray waxaa lagu daray ciyaarta 3 daqiiqo o dheeri ah waxaana ciyaartooyda gobolka Banaadir ay soo qaadeen weeraro ay ku beegsaneeyn goolka Puntland laakiin difaacyada Puntland ayaa dhexda u xirtay in shabaqooda aan gool la taabsiin.

Kulanka ayaa 1-0 ku soo dhamaaday Puntland waxay iska xaadiriyeen kama danbeysta koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir halka ciyaartooyda gobolka Banaadir ay gabi ahaan tartanka isaga hareen waxaana ay raaceen wadadii ay horay qaadeen ciyaartooyda Galmudug iyo kuwa Hirshabelle.

Puntland oo koobka difaacaneysa ayaa gambar gaaban kama danbeysta ugu fadhida midkood Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo iyaguna berito kala hari doona tartanka ayaa la soo gaba-gabeyn doona maalinimada Jimcada ah Puntland iyo kooxdii soo adkaata Jubbaland iyo Koonfur Galbeed midkood ayaa ku hardami doon tartanka maamul goboleedyada gobolka Banaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM