Daniel Sturridge oo sabab cajiib ah uga tagaya Liverpool

Image

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa lagu soo waramayaa inuu indhaha ku hayo ka tagista garoonka Anfield bisha Janaayo, isagoo isku dayaya inuu soo nooleeyo riyadiisa ah ka qeyb galka Koobka Adduunka.

28-jirkaan ayaa loo isticmaalaa keydka joogtada ah ee Reds tan iyo markii uu yimid kooxda tababare Jurgen Klopp.

Sideed kamid ah 12 kulan oo laga ciyaaray Horyaalka Premier League ayuu kusoo bilowday kursiga Keydka Liverpool xili ciyaareedkaan.

Sturridge ayaa ku guuldareystay inuu xitaa sameyn ku yeesho garoonka dhaxdiisa labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa Liverpool, taasoo niyad jab weyn ku ah.

Sida laga soo xigtay The Mirror, ciyaaryahankii hore ee Manchester City iyo Chelsea ayaa haatan doonaya inuu ka tago Merseyside si uu u soo nooleeyo mustaqbalkiisa ciyaareed, ka dib markii uu iska waayay xulka Tababare Gareth Southgate.

Southgate ayaa dhawaan sheegay in kaliya uu doonayo inuu ciyaaro kubad joogta ah si uu kaga qeyb galo Koobka Adduunka ee xagaaga soo aadan ka dhacaya dalka Russia.

kooxda Merseyside ayaa la fahamsan yahay inay diiday dalab Paris Saint-Germain xagaagii hore ku dooneysay weeraryahanka England Daniel Sturridge.

GO SPORTS

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM