Elman oo Dekeda kaga guuleysatay Super Cup-ka Soomaaliya

Image

Waxaa soo idlaatay ciyaartii xiisaha badaneyd ee u dhexeysay Elman iyo Dekeda naadiga Elman ayaana loo caleema saaray kooxda hanatay Super Cupka Soomaaliya.

Ciyaar xiisa badan oo u dhexeysay kooxaha Elman iyo Dekeda ayaa galabta ka dhacday garoonka Banaadir Stadium dagmada Cabdul Casiis ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal qof oo u sacab tumayay labada dhinac laakiin Elman ayaa ugu danbeyntii libintu raacday.

Labada dhinac ayaa ciyaarta waxay ku soo galeen dardaro xoogan oo weerar iyo weerar celis ah laakiin labada kooxood ayaa ku hungoobay in qeybta hore ee kulankaay gool iska dhaliyaan waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 0-0.

Waxaa la isku soo laabtay qeybta labaad Elman ayaa ciyaarta ka sameysay badalo xoogan waxaana labada dhinac ciyaarta ay ku soo biiriyeen wajiyo cusub oo kulanka aad ugu caaboonaa.

wali labada kooxood ayaa siii waday weerarada aan natiijada lahayn ay isku qaadayeeen laakiin Dekeda ayaa lagu helay goolka ku laad markii ay xidig ka tirsan Elman lagu jalaafay gudaha diilinta ganaaxa ee kooxda Dekeda.

Guud ahaan jawiga garoonka ayaa is badalay waxaana gool ku laadka Elman ay heshay isku diyaariyay saxiiixa cusub ee Elman Maxamuud Cabdinaasir (Meyman) isaga ayaana goolkaasi dhaliyay jiho qaldana u diray goolhayaha Dekeda.

Ciyaarta ayaa sidaasi isku badashay natiijo ahaan waxaana sare u kacay jamaahiirta Elman oo kadib goolka koowaad ee ciyaarta bilaabay in ay dhiira galiyaan ciyaartooyda Elman ee gudaha garoonka ku jirtay.

kooxda difaacaneysa horyaalka Soomaaliya ayaa xaalada aad ay ugu xumaatay waxaana la gaaray dhamaadkii ciyaarta weeraro badan oo ay qaadeen kadib garsoorka ayaa seeriga ku dhuftay.

Ciyaartii ayaa soo idlaatay Elman ayaana ku guuleysatay Super Cupka Soomaaliya waxaana ugu danbeysay Elman koobkan sanadkii 2013.

Elman ayaa xili ciyaareedkan sameysay bandhigyo wanaagsan waana koobkii labaad oo isla sanadkan ay ku guuleysanayaan horay waxaa loogu caleema saaray kooxda hanatay koobabka koobabka ee Janaraal Daa'uud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM