​Garoon loo dhisay Dhalinyarada Barakacayaasha Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Dhalinyarada ku nool Kaamamka Barakacayaasha ee ku nool magaalada Garowe gaar ahaan xaafadda Jillab ayaa loo dhisay garoon loogu talo galay inay ku cayaaraan kubadda cagta kaasoo dhawaan la dhigi doono roogga Macmalka ah ee Cagaar ah.

Garoonkan ayaa furitaankiisa lagu beegay xilli Galabta 26 September, 2017 ay soo idlaatay Cayaar Final ahayd oo u dhaxaysay labad kooxood oo kasoo haray 12 naadi oo ka qayb galayay tartan loogu talo galay is-dhexgalka dhalinyarada.

Furitaanka Garoonkan oo ay maalgalintiisa lahayd Arsenal Foundation islamarkaana dhismihiisa fulisay hay’adda Save the Children ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin kasocotay wasaaradda Dhalinyarada, Cayaaraha iyo xiriirka kubadda cagta Puntland.

Muddo Sideed maalmood ah ayaa Garoonkan waxaa ka socday tartan u dhaxeeyay 12 kooxood oo laga soo xulay Kaamamka Barakacayaasha waxaana gabagabadii isugu soo haray kooxaha  Xidigaha Shabeelladaha iyo Gaana.

Kooxda Gaana ayaa noqotay mida guulaysatay iyadoo tan iyo bilowgii tartankan u muuqatay mida ugu cayaar fiican.

Cabdiqafar Cilmi Xaange oo ah Madaxa Save ee Puntland ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid lagu dhiirigalinayo dhalinyarada islamarkaana ay ku deeqday kharashka lagu dhisay kooxda Arsenal, isagoo intaas ku daray in dhawaan la dhammaystiri doono waxyaabaha ka dhiman oo ay ugu horayso in la dhigo Roog.

“Waxyaabo yar yar ayaa ka dhiman Roogii ay ka dhiman, Layrkii ayaa ka dhiman insha ALLAAH Lix bilood gudaheed ayaan ku dhammaystiri doonaa,” Ayuu yiri Xaange.

Xubno u hadlayay bulshada ku dhaqan Kaamkaas ayaa u mahadceliyay dadka u dhisaay Garoonkan oo uu sheegay inuu kor u qaadayo dadaalka ay wadaan dhalinyarada ku nool duruufta adag, iyagoo intaas ku daray inay jiraan Xirfadlayaa awood u leh inay u cayaaraan qaranka Somalia.

Bulshada Kaamkaas ayaa wasaaradda ka codsaday in il gooni ah ku eegaan dadka barakayacaasha ah.

Agaasimaha Guud ee Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana iyo qaar kamdi ah Xiriirka kubadda cagta Puntland, ayaa tilmaamay in arrintan ay hordhac u tahay qorshe lagu hormarinayo Cayaaraha dhalinyarada Barakacayaasha ah, isagoo xusay in mudadii uu koobkan socday ay imaanayeen mas’uuliyiin kasocda Kooxaha heerka Koowaad kuwaasoo eegayay xarfadda dhalinyaradan.

Waa markii ugu horaysay Garoon loo dhiso dhalinyarada ku nool kaamamka Barakacayaasha magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM