Giggs oo shaaciyay in uu doonayo Shaqada Macalinimo ee Wales

Image

Halyeygii hore ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa la soo warinayaa in uu xiiseenayo in uu noqdo tababaraha cusub xulkisia Wales kadib Chris Coleman.

Giggs ayaa ku soo biiray liiska macalimiinta loo saadaalinayo hogaaminta xulka qaranka Wales oo hada aan tababare heysan waxaana jira macalimiin kale oo shaqadan lala xiriirinayo.

Isagoo la hadlayey Sky Sports, Giggs wuxuu yiri: "Dabcan waan xiiseynayaa, waxaan u ciyaaray Wales waxaanan sheegay inaan doonayo inaan ku laabto anigoo tababare ah sida iska cad waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu sareysa.

"Qofna lama hadlin hadda, laakiin runtii waan xiisenayaa."

Giggs oo 12 gool u dhaliyay xulkiisa Wales 64 kulan oo uu ka soo muuqday ayaa leh qibrad macalinimo isagoo Manchester United soo leliyay 4 kulan oo Premier League sanadii 2014 ayuuna isaga fariistay ciyaaraha kubada cagta.

Ninkan reer Wales ayaa lala xiriirinayay dhowr kooxood sanadkii hore, waxaana uu si cad u sheegay inuu xiiseynayo doorka tababaraha ee kala duwan. Waxaa la wareystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana uu sheegay in uu jecelyahay in uu noqdo macalin kooxeed.

Giggs ayaa ka maqan shaqada macalinimo tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford xagaagii 2016, isagoo dhameystay 29 sano oo uu kooxda la joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM