Horudhaca kulanka Galmudug iyo Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulanka ay wada ciyaari doonaan labadan kooxoodwuxuu ka tirsanyahay horinta A oo ay ku wada jiraan kooxahan waana kulankii lagu go,aamin lahaa kooxda labaad ee ka soo baxda horinta A.

Ciyaartooyda gobolka Banaadir ayaa noqday kooxdii ugu horeysay ee xaqiijisa in ay u soo baxeen wareega 4 dhamaadka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xidigaha Gobolka Banaadir ayaa sandkan qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay waxay ku bilaadeen ciyaaraha soconaya waxaana ay soo dar-dareen ciyaartooyda maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo horinta A ay ku wada jireen.

Tababaraha ciyaartooyda maamulka Galmudug Xasan Cali Rooble (Babaay) ayaa sheegay in ciyaartooydiisa kulankan ay aad ugu diyaarsanyihiin laakiin waxa uu xusay in ciyaarta uusan ka hor dhici doonin.

Galabta kulanka dhacaya Jubbaland iyo Galmudug dhinacii dhagta dhiiga loo daraa guud ahaan tartanka ayuu macsalaameyn doonaa waxaana xusid mudan in wareega 4 dhamaadka horinta A ay ku matali doonaan ciyaartooyda gobolka Banaadir oo horay u soo baxay iyo kooxda galabta adkaata.

Ciyaarta ayaa waxaa la baasan doonaa galabta 3:30 waxaana la filayaa in ay ka soo qeyb galaan jamaahiir fara badan oo u sacab tumi doona dhinacyada garoonka ku hardami doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM