Horudhaca Kulanka Puntland iyo HirShabeelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Galabta ayaa kulan xiisa badan oo u dhexeeya ciyaartooyda maamulada HirShabeelle iyo Puntland wuxuu ka dhici doonaa garoonka Banaadir Stadium waana midkamid ah kulamada ugu xiisaha badan ee tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ciyaartooyda Hirshabelle ayaa waxay wataan hal qasaaro oo ay ka soo gudoomeen ciyaartooyda Koonfur Galbeed waxaana ay qarkau saaranyihiin in ay isaga haraan tartanka hadii galabta qasaaro kale ay kala kulmaan ciyaartooyda Puntland.

Xidigaha Puntland ayaa ciyaari doona kulankii ugu horeeyay ee horinta B sidoo kale waa kulankii ugu horeeyay oo ay ka ciyaarayaan guud ahaan tartanka oo ay qaadeen sanadii la soo dhaafay.

Horinta B oo ay kuwada jiraan dhinacyada galabta is arkaya ee Hirshabelle iyo Puntland ayaa waxaa hogaanka u haya ciyaartooyda maamulka Koonfur Galbeed oo guushoodii ugu horeeyay ka gaaray ciyaartooyda Hirshabelle.

Hadii galabta qasaaro ay la kulmaan ciyaartooyda Hirshabelle waxaa soo idlaan doonta rajada ay ka qabeen koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir laakiin tababare Cabdi (Kuus) oo hogaaminaya ciyaartooyda Hirshabelle ayaa sheegay in kulankan ay aad ugu diyaarsanyihiin xidigihiisa.

Ciyaartooyda marti-galiyayaasha ee gobolka Banaadir ayaa noqday kooxdii ugu horeysay ee iska xaadirisa wareega 4 dhamaadka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii ay awood ku soo qanciyeen dhamaan maamulada horinta A kula mideysan ee Galmudug iyo Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM