Kooxda Sunderland oo ku durdurisay Everton

Image

Kooxda Sunderland ayaa ka baxsatey iney ka harto ka qayb galka horyaalka kubadda cagta dalka Ingriiska sanadka soo socda iyadoo hoos u riixdey kooxaha Norwich iyo Newcastle kadib markii ay ka adkaatey habeenimadii Arbacada 11 May, 2016 Everton.

Sunderland oo maamulkeeda tababarka uu la wareegey dhowaan Sam Allardyce ayaa 13kii cayaarood ee ugu dambeeyey waxaa laga badiyey 2 jeer ee qura halka Everton maamulaheedu oo cadaadis xun haysto Lix dhibcood kaliya ka heshay 10kii is-arag ee ugu dambeeyey. Kooxda Sunderland ayaa Everton kaga badisay 3:0 iyadoo maalinta Axada ay la kulmi doonta Watford baqdin la'aan.

 Horyaalka kubadda cagta Ingriiska ee sanadka 2015/2016 ayaa dhamaanaya maalinta Axada ee soo socota 15 May,2016 iyadoo Isha lagu hayo cayaaraha Man city iyo Man United oo u tartamaya kaalinta 4aad.

Kooxda Man United ayaa lumisay fursadd qaali ah habeenimadii Talaadada ee la soo dhaafey kadib markii ay iska dhicin waydey Kooxda West Ham oo kaga adkaatey 3:2.

Man United ayaa ka kormari laheyd dhinaca dhibcaha Man City oo ay u tartamyaan kaalinta Afraad tasoo lagaga qayb galo koobka horyaalka qaarada Yurub [ Chapion league]. 

Man City ayaa waxaa kasoo baxey neef iyadoo weli kaalinta Afraad ku hogaaminaysa 65 halka United dhaafi wayday 63 dhibcood. 

Maalinta Axada 15 May,2016 ayaa Kooxda Man United ugu gudbi kartaa kaalinta Afraad kaliya iyadoo Man City oo la cayaareysa Kooxda Swansea laga badiyo ama la barbareeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM