Liverpool oo badisay iyo Arsenal oo bareejo gashay

Image
Image
Image
Image

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo dhexmartay kooxaha Liverpool iyo Aston Villa, ayaa kusoo dhammaatay natiijo lama filaan ah kadib markii 6 ciyaartooy oo Reds ah soo taabteen shabaqa. 

Liverpool ayaa marti u ahayd kooxda xili ciyaareedkan dhibaataysan ee Aston Villa, taasoo lasoo dhawayay iyadoo ku jirtay kaalinta 20 aad ee kala saraynta horyaalka, laakiin Reds oo kulankii hore barbaro niyad-jab ah Anfield kagala kulantay kooxda kaalinta 19 aad ku jirta ee Sunderland, ayaa markale maanka ku hasyay inay dhibaato ka soo gaadhi karto Aston Villa oo ka dagaalamaysa inay heerka hoose udhacdo. 

Tababaraha Liverpool, Klopp ayaa ugu danbayn isla helay weerarka kooxdiisa oo taam ah waxaana kulankan diyaar u ahaa, Daniel Sturridge oo shaxda Reds ku bilawday halka Benteke oo marti loo ahaa kooxdiisii hore uu kursiga kaydka la fidhayay Origi oo isaguna dhaawac ka soo laabtay.

Liverpool ayaa kor usoo kacday kadib markii ay kubadiyeen 6:0 oo ay u kala dhaliyeen laacibiinta kala ah; Daniel Sturridge, James Milner,  Emre Can,Divock Okoth Origi,Nathaniel Clyne iyo Kolo Habib Touré. 

Dhinaca kale, kooxda Arsenal ayaa guul ay ku rafaaday oo xili danbe ah Emirates Stadium kaga gaadhay 10 ciyaartoy oo Leicester City ah, waxayna Arsenal guushan xili ciyaareedkeeda muhiimka ah ay ku gaadhay 2:1. 

Inkasta oo ay Leicester City hogaanka ciyaarta u haysay ilaa daqiiqadii 69 aad haddana Arsenal ayaa awooday in ay laba gool la timado iyada oo Leicester City lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy waxaana kaadhka cas laga siiyay  Danny Simpson.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM