Maxaadan ogeyn oo ku qarsoon Is-casilaadda lama filaanka Zidane?

Image
Image
Image
Image
Image

MADRID - Zinedine Zidane ayaa ka tegay shaqada tababar-nimo ee kooxda kubada cagta Real Madrid ee wadanka Spain kaliya maalmo kadib markii uu noqday macalinkii ugu horeeyay ee ku guuleystay Champions League saddex-sano oo xiriir ah.

Zidane oo ah 45-sano jir ayaa waxaa lagu bedalay Rafael Benitez sanadkii 2016-kii, inkastoo guulo waa weyn uu ka soo hooyey tartanka Yurub ugu wayn hadana waxaa saarnaa cadaadis wayn oo ah kaliya uu Hal horyaal qaaday labo sano iyo bar oo uu talis hayey.

Wuxuu usheegay inuu Madaxwene Florentino Perez inuu ka tagayo kooxda maanta oo Arbaco ah, uuna ka xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id ka hor inta uusan ku war-gelin Kabtanka kooxda wiilka lagu magacaabo Sergio Ramos

“Waan ogahay inay ahayd waqtiyo qumman inaan ku lug-yeeshay qof walba, laakiin waxa aan sameeyay waxaan u sameeyay qof walba,” ayuu yiri Zidane.

“Si kooxda usii wadato guulaha waxaa loo baahan yahay sibedal. Kadib saddex sano waxay ubaahan yihiin cod cusub, qaab cusub ugu hadlay waxyaabaha – inaan ushaqeeyo qaab kale waa mid macquul ah,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

“Taasi waa sababta aan uqaatay go’aanka aan kooxda uga tegayo. Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay Madaxweynaha, kaasoo isiiyay fursad aan macalin ku noqdo amigo ciyaaryahan ah. Si heer sare ah ayaan ugu mahad-celinayaa.

“Laakiin maanta aniga ahaan iyo qof walba waa inaan sameyno isbedal.

- Florentino Perez oo ka hadlay go'aanka Zidane -

Madaxweyne Florentino Perez oo isana hadlay wuxuu carabka adkeeyay in go’aanka Zidane uu ahaa wax aysan filaneyn kadib markii isbuucii lasoo dhaafay koobka Champions League ay hanteen markii saddexaad oo xiriir ah.

“Waa maalin murugo u noqon doonta aniga iyo taageerayaasha, ciyaartoyda iyo qof walba oo kooxda jooga. Waxaan doonayey inuu garabkeyga ahaa waqti kasta, laakiin waan ogahay in kani uu yahay go’aankii ugu dambeeyay,” ayuu xusay.

“Waan jeclaan lahaa inaan ku qanciyo isaga inuu halkaan sii joogo, laakiin waxaan ogahay waxa uu isaga jecel yalahy.

Bishii Janaayo ee sanadkaan, Zidane ayaa wuxuu xaqiijiyay in heshiis kordhintiisu tahay waxa kooxda ku xiran ilaa iyo 2020, laakiin bil kadib wuxuu yiri: “Marka waxaan dareemayaa in halkaan aan wax badan leyga siin doonin, wadada ayaan cagta saarayaa.

Gareth Bale, kaasoo dhaliyay Labo gool kulankii ay 3-1 uga badiyeen Liverpool maalintii Sabtida Finlihii Champions League, iyo Cristiano Ronaldo ayaa waxay yihiin kuwa shaki geliyay mustaqbalkooda Qalcadda Bernabeu kadib markii ay luxeen koobka.

Zidane ayaa doorbiday inuu celiyo Ronaldo xilli ciyaareedkiisii ​​ugu danbeysay, halka Bale uu ka careysnaa fursado kooban oo kooxdiisu la helay.

"Waxaan ixtiraam u hayaa dhamaan ciyaartoyda oo dhan, taasoo aheyd wax aasaasi ah oo lagu gaari karo waxyaabaha oo dhan," ayuu yiri Zidane. "Ciyaartoyda wax walwal ah kama qabaan go'aankeyga, waa waxa aan u maleynayo."

Zidane, oo saxafiyiinta Spain ku ammaanay markii uu ka tagay shirkiisa jaraa'id, ayaa diidey go'aankiisa in go’aankiisa ku lug-leeyahay xarada uu qabo Cristiano Ronaldo, taasoo inuusan kala dhaxeen xiriir wanaagsan ama ay isku dhacsan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM