Michel Carrick oo loo soo bandhigay shaqo Tababarenimo

Image

GO SPORTS - Tababaraha kooxda kubada cagta ee Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxdiisa Michel Carrick loo soo bandhigi doono shaqo ah door macalinimo.

Michel Carrick oo 2006 Manchester  United kaga soo biiray kooxda Spurs ayaa ku sii dhawaanaya maalmihiisii ugu danbeyay ee Old Trafford, maadaama xidigan dhalintu/da'da ay kadaba timid.

Maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay ayuu xidigan sheegay inuu kasoo kabsaday qaliin looga sameeyay Wadnaha oo mudo uu la xanuusanayay.

Carrick ayaan shaacin in xagaagan uu noqon doono kiisii ugu danbeeyay ee Old Trafford iyo in uu kooxdaasi kasii mid ahaan doono.

Waxaa uu xidigan Garoomada uga maqnaan dhaawicii soo gaaray, taasi oo saameyn weyn ku yeelatay xirfadiisa ciyaareed.

Mourinho ayaa sheegay in Carrick uu la siii joogi doono kooxda isla markaana uu ka shaqeyn doono doorka macalinimo. Xigidan aad u soo dhaweeyay go’aanka tababare Mourinho.

Mourinho oo arimahaasi ka hadlayay wuxuu yiri: "Michel Carrick waa qof wanaagsan waxa uu ka wanaagsanyahay dhamaan ciyaartooyda kooxda, waxaan siin doonaa waqti wanaagsan oo uu ku soo kabsado isla markaan kalsooni uu ku dareemo waan soo dhaweyn doonaa go’aan waliba oo uu ka qaato kooxda."

Carrick ayaa leh khibrad macalinimo isagoo horay ula soo shaqeeyay ciyaartooyda da'da yar ee Manchester United, waxaana uu ku jiraa waqtigiisii ugu danbeeyay ee Old Trafford ku ciyaaro, isagoo ciyaaraha ka fariisin doono marka la gaaro xagaaga soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM