Natiijada Cayaarihii xalay dalka Ingiriiska

Image

Waxaa xalay 23 January ka dhacay dalka Ingiriiska Cayaaro katirsan horyaalka waddankaas ee Premier leage, waxaana kasoo baxay natiijooyin kala duwan oo qaybtood aysan jeclaysan taageerayaashii usoo daawasho tagay.

Kulamada waxaa ciyaaray naadiyada aha kala ah;  Manchester City iyo West ham United, Liverpool iyo Norwich City, Southampton iyo Manchester United, waxaana kooxaha tunka weyn latusay xalay cayaar adag oo qaybtood guul darro dusha loo saaray.

Liverpool iyo Norwich City

Liverpool ayaa guul ay u dagaallantay oo  dirqi ahayd xalay kala soo hoyatay kooxda Norwich City, waxayna Reds guushan ku soo gaadhay 5:4 kulan waali ahaa oo ka dhacay Carrow Road. 

Kooxda ka dhisay Anfeild ayaa gool ay la hormartay waxaa loogu badalay 

saddex, waxayan qaybtii dambe markii la isu soo laabtay u muuqatay inay guuldaro soo gaadhay iyada oo Norwich 3:1 hogaanka ku qabatay laakiin weerar duufaan ah oo ay Reds bilawday qaybta danbe ayaa keentay in ay afar gool la timaado iyada ayaan ahayd kooxdii hogaanka qabtay bilawgii kulankan.

Laacibka Kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa laba gool dhaliyay, halka Jordan Henderson iyo James Milner ay min hal gool shabaqa dhigeen, waxaana dhammaadkii goolasha soo xiray Adam lallana guusha u saxiixay Reds.

Liverpool ayaa marti ku ahayd garoonka Carrow Road ee leedahay kooxda guul darrasatay, waxayna dadaal ugu jireen kooxda tababare Klop qaabkii ay uga soo kabsan lahaayeen guul darradii kasoo gaadhay Man United todobaadkii hore.

Southampton iyo Manchester United

Kooxda Southampton ayaa markale Old Traffrod ku gaadhay guul dahabi ahayd islamarkaana khasaaro dusha u saartay Manchester United kulan kale oo ay Red Devils soo badhigtay qaab ciyaareed jamaahiirta shayaadiinta cas ay ku caajiseen.

Saints ayaa guushan ku gaadhay 1:0 waxaana goolka u saxiixa xidiga ay dhawaan kasoo saareen heerka labaad ee Charlie Austin kaas oo kulankiisii ugu horeeyay guuldaro gadhka u galiyay Man United.

Manchester City iyo West ham United

Kooxda Mancherter City ayaa xalay ka badbaaday guul darro markale kala soo noqoto West ham United oo waayadan dambe laf dhuun gashay ku noqotay kooxaha ugu tunka weyne dalka Ingiriiska.

City ayaa barbaro 2:2 la gashay kooxda ka dhisan Upton Park, waxaana labada gool u dhaliyay weeraryahanka Sergio Aguero, halka Westa Ham labada gool u saxiixay Valencia.

Kooxda ka asaasan Etihad Stadium ayaa doonaysan inay ka arsato marakan kooxda Sergio ka unkan Upton Park balse iyadaaba daalac loo raacday oo dirqi kaga badbaaday inay guul darro labaad dusha loo saaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM