Newcastle oo kusoo laabanaysa Horyaalka Ingiriiska

Image
Image
Image
Image

Newcastle United ayaa qabsatay xaflad weyn oo ay dib ugu soo laabaneyso Premier League ka dib markii ay 4-1 ku garaaceen 10 nin oo Preston North End ah ciyaar xiiso laheyd oo xalayto ka dhacday St James Park, waxaana ay Premier League ku soo laabteen isku daygoodii koowaad.

348 maalmood ka dib markii ay u dhaceen heerka labaad, Newcastle ayaa boorsada ku ridatay abaalmarin ka badan 100 milyan ginni, waxaana ay weli weli fursad dheer u heystaan inay horyaalka heerka labaad ka qaadaan kooxda Brighton oo hogaamineysa iyadana xaqiijisatay u soo bixitaankeeda Premier League.

Labo gool oo ku taabasho ah uu dhaliyay Ayoze Perez, gool uu si fiican uga soo shaqeeyay Christian Atsu iyo rigoore uu dhaliyay Matt Ritchie ayaa guusha ku hogaamisay kooxda Rafa Benitez iyadoo tababaraha reer Spain uu ku guuleystay howlgalkiisii ahaa inuu Newcastle ku soo celiyo Premier League.

Tababare Benitez ayaana hubiyay in Newcastle ay noqoto kaliya kooxdii labaad ee shan sanno gudaheed ee ku soo laabata Premier League hal xilli ciyaareed ka dib markii ay ka hareen.

Newcastle ayaa afar dhibcood ka danbeysa kooxda hogaamineysa horyaalka heerka laabad ee Brighton iyadoo labo kulan ay ka harsan tahay horyaalka

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM