Real iyo Bayer oo isku aaday Champion-ka (Warbixin)

Image
Image
Image

Waxaa Maanta magaalada Nyon ee dalka Switzeraland lagu sameeyay isku aadka wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga iyo tartanka Kooxaha Europe ee loo yaqaano (Euro Leage), kaasoo ay isugu soo hareen min siddeed kooxood.

Koobkan Championka ayaa waxaa isugu soo haray kooxo quwad leh, sida Real, Barcelona, Bayer iyo Juventoos.

Labada kooxood ee Bayer iyo Real ayaa sannadkan mar kale madaxa la isu galiyay xilli dhowr jeer oo hore ay isku arkeen wareegyada ugu dambeeyay ee koobka dhagaha waaweyn.

Kooxda sida cajiibka ah kusoo baxday ee Barcelona, waxaa iyadana lagu aadiyay Juventus oo kasoo gashay tartanka dhinaca dalka Talyaaniga.

Cayaarta aadka loo hadal hayo ayaa noqotay Real iyo Bayer.

Tariikhda Koobkan ee dhexmartay labada Kooxood Madrid iyo Munich;

Madrid ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Bayern oo ay ku jirto semi-finalkii 2013-14 markaasoo kooxda reer Spain oo uu macalin u ahaa tababaraha haatan ee Bayern Carlo Ancelotti ay lugtii labaad ee Munich ka dhacday ay ku badiyeen 4-0 waana guularadii ugu cusleyd ee Bayern ku soo gaarta gurigeeda tartamada Yurub.

Real Madrid iyo Bayern Munich waxa ay wareegyada bug baxda isku arkeen 10 jeer, koox walba shan jeer ayay soo baxday.

10 sannadood ka hor, Roy Makaay ayaa taariikh u dhigay Champions League markii uu weeraryahanka Bayern uu shabaqa ka soo taabtay goolhayihii Real Madrid Iker Casillas kaliya iyadoo ay ciyaarta socotay 10.12 ilbiriqsiyo – welina waa goolkii ugu dhakhsaha badnaa taariikhda koobka.

Dhamaan 22ka kulan ee ay Madrid iyo Bayern isku arkeen tartamada rasmiga ah waa Champions League, Madrid ayaa badisay sagaal jeer, Bayern waxa ay badiyeen 11 jeer halka labada kulan kale ay barbaro galeen; Madrid waxa ay dhalisay 31 gool mudadaas halka Bayern ay dhalisay 33 gool.

Carlo Ancelotti ayaa labo xilli ciyaareed tababare ka ahaa Santiago Bernabeu intii u dhaxeysay 2013 iyo 2015 isagoo ku guuleystay Champions League xilli ciyaareedkiisii u horeysay

TAARIIKHDA LA CAYAARO KOOBKA CHAMPION LEAGE-GA LUGTA HORE

11ka April

Borussia Dortmund v Monaco

Juventus v Barcelona

12ka April

Atletico Madrid v Leicester City

Bayern Munich v Real Madrid

TAARIIKHDA CAYAARAHA LUGTA LABAAD

18ka April

Leicester City v Atletico Madrid

Real Madrid v Bayern Munich

19ka April

Monaco v Borussia Dortmund

Barcelona v Juventus

ISKU AADKA EUROPE LEAGE-GA

Anderlecht (Belgium) vs Man. United (England)

Celta (Espain) vs Genk (Belgium)

Ajax (Netherlands) vs Schalke (Germany)

Lyon (France) vs Beşiktaş (Turkey).

Kulamada lugta hore ee wareega quarter finalka UEFA Europa League waxaa la ciyaari doonaa 13-ka April, halka lugta labaad la ciyaari dono 20-ka April.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM