Real oo markii 12 qaaday Champion-ka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid ee wadanka Spain ayaa ku guuleysatay Koobkeedii 12-aad ee Champions League-ga, iyadoo 4-1 ay kaga badisay kooxda Juventus ciyaarta finalk oo ka dhacday magaalada Cardif ee dalka Wales. 

Qeybtii koowaad ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 1-1, daqiiqadihii 20-aad iyo  27-aad, iyadoona wareegii danbe ay Juve garoonka lasoo gashay dar dar xoogan, waxaana dhowr weerar ku qaaday shabaqa Real, balse uma aysan suura gallin, waxaana laga dhaliyay 3-gool oo horseed u noqday inay koobka qaado kooxda macalin Siidani.

Goolashaan oo ahaa kuwa aad isugu dhawaa kuwaasoo ay kala dhaliyeen Xiddigaha kala ah Marcelona iyo Ronaldo, waxaana Goolka hore ee qeybta labaad dhaliyay Casemiro halka mid kala uu sii raacsaday dhammaadka cayaarta CR7.

Ciyaarta finalka Champion League oo sidii la filayay ama la saadaaliyay si ka duwan u dhacday ayaa waxaa markii 12-aad ay kooxda Real Madrid ku guuleysatay, wuxuuna tababaraha kooxdaasi Zidane uu abuuray taariikh cusub oo ay ku soo fashilmeen tababaryaal ka khibrad badan isla markaana waqti dheer ku soo dhex jiray maamulida kubbada cagta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM