​Stoke City oo garaacday kooxda Arsenal

Image
Image
Image
Image

Kooxda Stoke City ayaa Arsenal soo baday guuldaradii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan kadib markii ay kooxda Arsene Wenger ku fashilantay in ay wax gool ah ku dhaliso garoonka Stoke City ee bet365 Stadium. Saxiixa cusub ee Jes Rodriguez oo hore uga soo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo PSG ayaa Arsenal guuldaradan baday kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee farqiga labada kooxood sameeyay.

Stoke City ayaa guul muhiim ah iyo saddex dhibcood oo dheeman ah ka tirsatay Arsenal oo wali u muuqata mid aan horumar ka samayn xaaladii xumayd ee ay xili ciyaareedkii hore kaalinta shanaad ugu dhamaysatay. Kadib markii ay kulankii furitaankii Premier Leaque xili danbe ay dirqi kaga soo kabsatay guuldaro ka soo gaadhaysay Leicester City ayay Gunners lumisay saddexdii dhibcood ee ugu horeeyay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Stoke City XI (3-4-1-2): Butland; Zouma, Shawcross, Cameron; Diouf, Allen, Fletcher, Pieters; Shaqiri; Choupo-Moting, Jese.

Kaydka:Grant, Martins Indi, Johnson, Sobhi, Bojan, Berahino, Crouch.

Arsenal XI (3-4-3): Cech; Kolasinac, Mustafi, Monreal; Bellerin, Xhaka, Ramsey, Oxlade-Chamberlain; Ozil, Lacazette, Welbeck.

Kaydka:Ospina, Mertesacker, Coquelin, Elneny, Iwobi, Walcott, Giroud.

Arsenal ayaa iska caabin xoogan kala kulantay Stoke City oo ay marti u ahayd waxayna labada kooxood qaybtii hore ee kulankan awoodi waayeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan. Inkasta oo ay Arsenal ahayd kooxda boosishanka ugu badan iyo kubbad haystan lahayd waxay haddana awoodi wayday in ay wax goolal ah dhaliso qaybtii hore ee kulankan.

Goolhaye Butland ayaa shaqo fiican qabtay si la mid ah difaaca kooxdiisa Stoke City si ay Arsene Wenger iyo kooxdiisa xaalada ugu adkeeyaan. Laakiin daqiiqadii 25 aad Stoke City ayay dhibaato wayni soo gaadhay kadib markii uu dhawac soo gaadhay Xherdan Shaqiri kaas oo awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo waxana lagu soo badalay Saido Berahino.

Ciyaarta ayaa noqotay mid adag balse ay labada kooxoodba heleen fursado fiican oo goolal lagu dhalin karayay inkasta oo ay waliba Gunners gacanta saree laahyd balse qaybtii hore ee kulankii bet365 Stadium ayaa lagu kala nastay gool la’aan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta kooxda martida loo ahaa ee Stoke City ayaa aamintay in ay natiijo ka fiican qaybtii hore ay ka heli karto kooxda ay cabsida wayn ka qabtay ee Arsenal waxayna la soo laabteen kalsooni buuxda.

DAQIIQADII 47 AAD Stoke City ayaa heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu xidiga dhawaan amaahda ugu soo biiray ee Jese Rodriguez uu si fiican u dhamaystay kubbad uu Saido Bernahino ka soo shaqeeyay oo soo dhaafiyay Mustafi iyo Monreal, wuxuuna Jese kulankiisii ugu horeeyay ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Premier leaque.

DAQIIQADII 60 AAD Aaron Ramsey ayaa fursad fiican helay kadib markii uu Mustfi karoos fiican soo sameeyay laakiin xidiga ree Wales ayaa awoodi wayay in uu garaaco goolhaye Butland oo shaqo fiican kooxdiisa Stoke City u hayay.

DAQIIQADII 62 AAD Alla maxay gool badbaadin ahayd! Goolhaye Petr Cech ayaa kooxdiisa Arsenal ka badbaadiyay goolka laabad ee ay dhibaatada wayn u gali lahayd kadib markii uu Saido Berahino ugu dhawaaday in uu goolka labaad Stoke City u dhaliyo waxana shaqo fiican dhinaca bidix ka soo qabtay Erik Pieters , laakiin markale Nacho Monreal ayaa ku fashilmay in uu Berahinho joojiyo inkasta oo uu Cech awoodiisa ku joojiyay.

DAQIIQADII 66 AAD Arsene Wenger ayaa shaxdiisa isbadal ku sameyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Saed Kolasinac si uu weerarkiisa ugu soo xoojiyo xidigii kulankii Leicester City badbaadiyay ee Olivier Giroud laakiin isla daqiiqadii 67 aad Danny Welbeck ayaa helay fursad uu goolka u furnaa isaga oo lumiyay fursad kale halka uu saddexley kulankan ka dhalin lahaa haddii uu fursadihii soo maray ka fa’iidayn lahaa.

DAQIIQADII 71 AAD Stoke City ayaa ciyaarta ka saaray xidiga goolka furitaanka u dhaliyay ee jese waxaana kaydka looga yeedhay Ramadan Sobhi, waxayna ciyaartu noqotay mid adkaatay iyada oo Stoke City wali u muuqatay mid dhaawici karta Gunners.

DAQIIQADII 72 AAD Alexandre Lacazette ayaa Stoke City shabaqa ka soo taabtay laakiin goolkan ayaa loo diiday in xidiga ree France uu offside ku jiray waxayna Gunners seegtay fursada ay ciyaarta waqti fiican ugu soo laaban kartay balse dadaalka Arsenal wali halkiisa ka sii socday.

DAQIIQADII 78 AAD Wenger ayaa sameeyay wixii ugu danbeeyay ee uu awoodayay wuxuuna ciyaarta hal mar soo wada galiiyay Theo Walcott iyo Alex Iwobi wuxuuna ciyaarta ka saaray Alexandre Lacazette  iyo Granit Xhaka wuxuuna doonayay in waqtiga ciyaarta ka hadhsnaa ay kooxdiisu ay soo laabasho samayso.

Arsenal ayaa waqtiga la baratamaysay waxayna 90 kii daqiiqo ku dhamaysatay guuldaro balse waxay wali rajo ka sii qabtay in ay  ay ugu yaraan goolka barbaraha keensato daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray madaama oo ciyaartoy dhawr ah oo Stoke City ah dhaawacooda waqti badan loo joojiyay.

FG: Waxaa guul dahabi ah gaaray galabta kooxaha Liverpool iyo Manchester United

LAACIB

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM