Terry: Qandaraas cusub la igalama hadlin

Image

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa sheegay in isaga iyo kooxdu aysan ka wada hadlin cusboonaysiinta qandaraaskiisa inkasta oo tababare Guus Hiddink uu sheegay in uu joogayo.

Terry oo 35 jir ah ayaa todobaadkii hore sheegay in aan wax qandaraas cusub ah loo soo bandhigin isaga oo ka uu hadda haysto ku egyahay xagaagan.

Markii ay dhamaatay ciyaartii xalay dhexmartay Chelsea iyo Man United ee hal iyo halka ku dhamaatay ayaa la waydiiyay in uu jiro wax ka cusub arrimaha la xiriira qandaraaskiisa ayuu Sky Sports usheegay in uusan war cusub haynin.

Wuxuu sheegay in uu isagu warka cadeeyay oo uu doonayo in uu kooxda sii joogo.

Tan iyo markii uu todobaadkii hore muujiyay Terry in laga yaabo in uu kooxda ka tago, tababare Hiddink ayaa muujiyay sida uu u danaynayo in qandaraaska loo kordhiyo ciyaaryahankaasi difaacaha ka dheela.

Laakiin Hiddink oo axadii hadlay ayaa sheegay in uu muujiyo saadaalin dheeri ah.

Terry ayaase sheegay in muhiimaddu ay tahay kooxda wax xiriir ahna uusan wali ka helin.

Wuxuu sheegay in uusan ilaabaynin xasuustiisa kooxda ayna qalbigiisana ka go'aynin inta uu noolyahay.

Terry waxaa lala xiriiriyay in uu u wareegayo kooxda Al Arabi ee Qadar ka dhisan taas oo uu layliyo saaxiibkiisii ay hore Chelsea uga soo wada dheeleen ee Gianfranco Zola, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay kooxo ka dhisan dalalka Maraykanka iyo Shiinaha.

Xigasho: BBC

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM