Thomas Rosicky oo ka Fariistay Ciyaaraha Kubada Cagta

Image

Xidigii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka Czech Republic Thomas Rosicky ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaan uu isaga fariistay ciyaaraha kubada cagta oo uu ku soo dhexjiray in kabadan toban sano.

Rosicky oo taariikh dahabi ah ku leh saaxada kubada cagta ayaa waqtigii ugu badnaa ee xirfadiisa la qaatay kooxda Arsenal, isagoo Gunners ku sugnaa toban sano .

Kabtankii hore ee xulka Czech Republic oo Arsenal kula guuleystay laba koob oo FA Cup ah ayaa sanad ciyaareedkii 2006 ku soo biiray Arsenal isagoo xiligaasi kasoo dhaqaaqay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund.

Thomas Rosicky oo saxaafada la hadlay kadib go'aankiisa ayaa sheegay in dhaawacyo joogto ah ay ku qasbeen in xili hore uu ku dhawaaqo ka fariisashada kubada cagta kooxdii ugu danbeysay ee Rosicky uu tartan caalami ah ka soo muuqdana waxay ahayd kooxda Sparta Prague oo ka dhisan dalkiisa.

"Ma awoodi doono in aan isku diyaariyo kulan kubada cagta ah waxa uu ahaa go'aan dhaawaca uu ii horseeday," ayuu yiri Rosicky.

"Waxaan ku faraxsanahay waqtiga aan ku soo qaatay xirfada kubada cagta waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhamaan kooxaha aan ku soo qaatay waqtigeyga kubada cagta," waxaa sidaasi sheegay Rosicky.

Xidigan ayaa 264 kulan ka soo muuqday kooxda Arsenal isagoo Gunners u dhaliyay 28 gool intii u dhexeysay 2006 ilaa 2016.

Rosicky ayaa soo noqday kabtanka xulka Czech Republic isagoo xulkiisa soo matalay shan tartan oo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM