West Bromwich Albion oo ku dhawaaqday macalinkeeda cusub

Image

Kooxda kubada cagta ee ​West Bromwich Albion ayaa maanta ku dhawaaqday macalinka cusub ee kooxdaasi waxaana la magacaabay tababarihii hore ee kooxda Newcastle United Alan Pardew.

Pardew ayaa 2 sano oo heshiis ah qalinka ugu duugay kooxda ​West Bromwich Albion heshiiska uu kooxdaasi lagalay ayaana idlaan doona dhamaadka xili ciyaareedka 2019/2020.

Tababaraha cusub ee kooxda ​West Bromwich Albion ayaa sidoo kale wuxuu kooxdaasi keenay John Carver oo noqon doona caawiyihiisa waxaana xusid mudan in ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Newcastle United.

Kooxda West Bromwhich Albion ayaa horaantii bishan November shaqada kooxda ka burisay tababare Tony Pulis oo kooxdaasi mudo soo hogaamiyay kooxda ayaana laga diray kadib guuldarooyin is xig-xigay oo kooxdaasi soo gaaray.

Kooxdan ayaa fadhisa kaalinta 16-aad ee kala sareynta jadwalka horyaalka England waxaana ay aruurdsdeen 12 dhibcood 14 kulan oo xagaagan ay ka ciyaareen horyaalka Premier League.

Tababaraha cusub ee kooxda West Bromwhich Albion Alan Pardew ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in loo magacaabo macalinka cusub ee kooxdaasi isagoo balan qaaday in kooxdaasi uu tayeyn doono.

John Williams oo ah milkiilaha kooxda West Bromwhich Albion ayaa sheegay in uu tababaraha cusub ee kooxdiisa uu qibrad fara badan ka heysto horyaalka England isla markaana kooxo uu soo leyliyay ilaa 300 oo kulan oo Premier League ah.

Gary Megson oo ah tababare ku xigeenkii kooxdaasi inta uu joogay tababare Pulis ayaa kooxdaasi si kumeel gaar ah u soo leyliyay kulamadii ay la ciyaareen kooxaha Newcstle United iyo Tottenham Hotsbur oo labada bar-baro ay la dhaafi waayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM