Xulka 17-jirada oo soo dhaweyn heer hoose loo sameeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciyaartoyda Xulka 17-jiradda ayaa maanta gelinkii hore dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii ay kasoo qeyb-galeen ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa, oo ay guul taariikhi ah ka gaareen.

Baraha bulshada [Social media] ayaa waxaa qabsadey hadal-heynta sawirro lasoo geliyay, oo muujinaya ciyaartooyda da'yarta oo Mooto Bajaaj-ta ka raacaya banaan Sahafi hotel, oo guryahooda ku aadaya.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo safar Belgium ugu socday ayaa ku salaamay dhalinyarada Garoonka Aadan Cabdulle, halkaasi oo Basaskii dhawaan dowladda Qadar keentay looga soo qaadey, kadibna lagu daadiyay Lambar Afar [KM4].

Dhalinyaradan ayaa iyagoo niyad jabsan qofba halkii uu deganaa u raacay Bajaaj markii ay la kulmeen wax ka duwan soo dhaweyntii madaxda dowladda u balan-qaadaysay markii ay ku sugnaayeen Burundi.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xulka da'yarta ay heli waayaan soo dhaweyntii ay mudnaayeen, isagoo intaasi ku daray inay baarayaan inay Bajaaj raacaan.

Waxaa sidoo kale baaqatey caawa xaflad soo dhaweyn ah, oo lagu waday in xulka 17 jirada loogu sameeyo xarunta dowladda Hoose ee Xamar, waxaana dhalinyarada lagu wargeliyay inay guryahooda ku laabtaan, iyadoo aan sababta la ogeyn.

Xulka da'da yar oo dhamaantooda laga soo xulay Muqdisho, ayaa kaalinta labaad ka galay Koobka CECAFA-U17, kadib markii 2-0 looga adkaaday ciyaartii Final-ka oo ay la ciyaareen xulka dalka Tanzania 29-kii April.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u balan-qaadey dhalinyaradan in soo dhaweyn heer sare ah loo sameyn doono markii ay Muqdisho kusoo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM