Xulka Kenya oo ku guuleystay koobka Bariga iyo Bartamaha Africa

Image

Ciyaartooyda xulka qaranka Kenya ayaa ku guuleystay Koobka bariga iyo bartamaha Africa ee sanadka 2017 kadib markii ay ka adkaadeen xulka Zanzibar.

Labada xul ayaa daqiiqadihii loogu tala galay kulanka waxay ku kala bexeen 1-1 oo 90 daqiiqo goolal kale ay kala dhalin waayeen.

Ciyaarta ayaa intaa kadib lagu daray daqiiqado dheeri ah oo 30 daqiiqo ah waxaana ugu danbeyntii la is latagay gool ku laad waxaana 3-2 ku adkaaday xulka Kenya.

Goolhayaha xulka Harambee Stars lagu naaneyso ee Kenya Patrick Matasi ayaa noqday geesiga Kenya markii 3 gool ku laad ka beeniyay ciyaartooyda xulka Zanzibar waxaana uu noqday xidigii ugu fiicnaa kulankaasi

Tababaraha reer Beligium ee hogaaminaya xulka Kenya Paul Put ayaa guushii shalay waxay kaga dhigneyd mid taariikhi maadaama koobkii ugu horeeyay uu kula guuleystay xulka qaranka Kenya.

Xidigaha Kenya ayaa ku hormaray hogaanka waxaana ay goolka koowaad ay ku qaadatay 5 daqiiqo oo kaliya iyadoo goolkaasi shabaqa Zanzibar uu dhex-dhigay Ovella Ochieng oo xulka Kenya ka tirsan.

Ciyaartooyda Zanzibar oo suaal la hordhigay ayaa waxay bar-baraha la yimaadeen daqiiqadii 89-ad ee kulanka waxaana bad-baadiyay xidiga lagu magacaabo Kassim oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Kulanka ayaa intaasi ku soo dhamaaday waxaana lagu daray daqiiqadaha dheeriga ah ee 30 daqiiqo Kenya ayaa mar kale heshay goolka labaad waxaana u dhaliyay xidiga lagu magacaabo Masud Juma wuxuuna goolkaasi yimid daiiqadaha dheeriga ah ee kulanka oo 10 daqiiqo oo kaliya soconaya.

Zanzibar oo wareega semi-finalka ee koobka bariga bartamaha Africa ku soo garaacday Uganda ayaa waxay markale la yimaadeen goolka labaad ee bar-baraha waxaana markale ay ka heleen ciyaariyahan Kassim oo ciyaarta garba siman oo 2-2 ah ka dhigay.

Intaa kadib waxaa soo idlaaday daqiiqadihii 30-ka ahaa ee lagu daray kulanka waxaana la aaday gool ku laad xulka Kenya ayaana ku awood roonaaday markii goolhayaha xulka qaranka Kenya uu 3 rigooro ka beeniyay xulka Zanzibar.

Xulka Uganda ayaa ku dhameystay kaalinta 3-aad ee tartanka waxaana ay kulan loogu tartamayay kaalinta 3-aad ee tartanka ay la ciyaareen Burundi kulan ku soo dhamaaday 2-1 oo Uganda ay ku adkaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM