Cristiano Ronaldo oo Soonka awgii malaayiin dollar ugu deeqay Falastiin

Image

ROMA, Italy - Inkasta oo warbaahinta cayaaraha ay si gaabis ah u baahiyaan xaqiiqadaan, haddana Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu dhowaanayaa shacabka Falastiin.

Xidiga heerka caalami ee reer Portugal, ayaa 1.5 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah waxa uu bishaan barakeysan awgeed ugu deeqay Falastiiniyiinta.

Yaboohaan lacageed ayaa la sheegay in ay tahay mid uu ugu talogalay ciyaaryahankaan mid uu midnimo ugu muujinayo Falastiiniyiinta iyo sida uu uga xun-yahay tacadiyada Yahuuda.

Deeqda laacibka afka hore uga dheela Juventus ayaa kusoo beegmaysa xili xaalad ay wajahayaan walaalaha Falastiin oo ay kusoo rogtay maamulka Yahuuda.

Dhibaatooyinka naxariis darada ah ee ay wajahayaan Falastiiniyiinta ayaa isugu jira xayiraadyo dhulka, cirka iyo bada ah taasi oo shacabka ku adkeysay nolosha.

Ku guuleystaha shanta jeer ee cayaaryahanka sanadka ayaa dhowr jeer wuxuu si cad uga soo horjeestay hayshada sharci darada ah ee Yahuuda ee dhulka barakeysan.

November 2012-kii, iyada oo Gaza ay wehel u noqotay duqeymaha Yahuuda ayuu xaraashay kabtiisa dahabka, isaga oo lacagta ugu tabarucay caruurta Falastiin.

Maaj 2013-kii, kadib dhamaadka ciyaartii Portugal iyo Israel ee is-reereebka koobka aduunka wuxuu xidig Yahuudi ah ka diiday in ay maaliyada is-dhaafsadaan.

Sidda ay saxaafada tabisay xiligaasi, gooldhaliyahaan ayaa wuxuu ku sababeeyay ku gacan-seyristiisa in uu soo dooneyn xerashada maaliyada maamulka Yahuuda.

Sanadkii 2016-kii, Ronaldo ayaa wuxuu xerada tababarka naadiga Real Madrid ku qaabilay Axmed Daubasha, 6-jir Falastiin ah oo ka badbaaday weerarada Israel.

Waqtigaasi, weeraryahankii hore ee Manchester United ayaa Inanka yar la galay sawiro, wuxuuna siiyey maaliyad saxiixan oo uu sheegay in ay isaga qaas u tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM