Miyuu Suarez dabaal-degayaa hadii uu caawa gool ka dhaliyo Liverpool?

Image

LIVERPOOL, UK – Liverpool ayaa caawa marti qaadi doonta Barcelona kulan ciyaareed ka tirsan lugta labaad heerka afar dhamaadka tartanka Champions League.

Lugtii koowaad oo ka dhacday qalcadda Camp Nou ee ay ku dheesho Bluagrana ayaa waxaa 3-0 looga soo badiyey kooxda kubada cagta Reds.

Kahor ciyaarta caawa, Luis Suarez, oo ka qayb qaatay goolashii lagu soo kala diray kooxda reer England ayaa caawa guul u rajeeyay naadigiisa.

Gooldhaliyahaan reer Uruguay ayaa shaaciyey in uusan dabaal-degi goonin hadii uu gool ugu shubo naadiga Premier League ka xamaalata.

"Ahmiyada uu leeyahay gool aad ka dhaliso Champions League qof walba waa uu og-yahay, mana dabaaldegi doono hadii aan [caawa] dhaliyo," ayuu yiri.

Suarez ayaa horey ugu soo dheelay Liverpool halkaasi oo uu kusoo qaatay sanad ciyaareedyo aad u qurux badan wallow uusan tartamo waawayn la hanan.

"Xushmad aan u hayaan Liverpool, hadii aan dhaliyo gool waxay ka dhigan tahay in aan dareemayo raaxo, Liverpool waana in ay iyaduna dhalisaa," ayuu raaciyey.

Sikastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa u baahan wax ka badan saddex gool iyo in ay ilaashadaan shabaqadooda si ay ugu soo baxaan kama dambeysta tartanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pep Guardiola oo qiil u yeelay guuldarooyinka Man City

City waxay isku diyaarineysaa kulan muhiim ah oo ay Liverpool ku wajahayaan Anfield, iyadoo rajeynaysa inay joojiso hoos-u-dhaca taariikhiga ah.

  • Cayaaro

    24-11-2024

  • 04:55AM

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM