Tababare koox kubada cagta ah oo la afduubtay

Image

YAOUNDÉ, Cameroon – Dabley ayaa lagu waramayaa in ay magaaladda Bamenda ee dalka Cameroon, bartamaha qaaradda Afrika, ay ku afduubatay tababare koox kubadda cagta ah.

Macalinkaan oo caan ka ah gudaha wadankaasi laguna magacaabaa Emmanuel Ndoumbe Bosso ayaa leeliya naadiga Yong Sports Academy.

Lama ogga sababta dhalisay afduubka lagula kacay maamulahaan, balse Booliska ayaa sheegaya in ay ku raad-joogaan kooxihii ficilka sameeyay.

"Waxay istaajiyeen gaarigii uu watay, kadibna way kaxeysteen," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa qariyay.

Fahfaahinta ku saabsan sida uu falku u dhacay ayaa ah wali mid aanan caddeyn, iyo hadii raga afduubka sameeyay ay hubeysnaayeen.

Emmanuel ayaa sanadkii 2013-kii ku hogaamiyay kooxda kubadda cagta tartanka Cameroon Cup, kaasoo ay hanteen.

Bamenda, magaalada dhacdada laga soo tabiyay, indhawaanahaanba waxaa ka taagneed rabshado ay sameynayaan dadka ku hadla luqada Faransiiska ee halkaasi ku tiradda badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM