FAALADDA WARKA: Safarka madaxweynaha Puntland ee Gaalkacyo

Image

Faaladda Warka GAROWE ONLINE: Ka dib in ka badan sanad iyo bar uu xilka hayay, madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu ka soo muuqday shaashadaha warbaahinta isaga oo dhagaxdhigaya mashaariic, isunna arka inuu qabanayo wajibaad ay horay u dayeceen xukuumadihi isaga ka horeeyay. Qorshayaashaan ma yihiin kuwo la jaanqaadi karra himillada shacabweynaha Puntland?

Dabcan dhibaato waa soo gaartay Gaalkacyo oo ku taala furrinta Koonfureed, hase yeeshe waxaa muhiim ah in la qiro in danno iska soo horjeeda balse ujeedkoodu mucaaradid ku salaysnaayeen dib u dhigeen magaaladda sanadihi la soo dhaafay.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali waxa uu u safray Gaalkacyo isagoo ay weheliyaan xildhibaano iyo wasiiro badankoodu ka soo jeedaan gobolka Mudug, si uu u muujiyo inuu yahay mas'uul deegaankiisu ka mudanyahay waxqabad horay loo hagraday.

Wuxuu booqday degmooyin iyo tuulooying si uu u baadi goobo halka wax ka khaldameen iyo waxa uu qaban karro, isagoo ka qayb galey shirar qaab'ilka daga degaankaas tageero ugu muujinayeen shaqada madaxweynuhu hayo. Halkaan ka daawo madaxweyne Gaas oo sheegey in wixii khaladamey saxi doono

Marka aad tagto goobaha lagu shaaho, inta badan safarkan macno ma samaynayo marka laga eego mudadda uu qaatay, halka qaar kale qaban inuu ku soo aaday xili muhiim ah.

Madaxweynuhu wuxuu aaminsanyahay in mas'uuliyiinta isaga ka horaysay ay magaalada dayeceen, ka cago jiideen inay kobciyaan kaabayaasha dhaqaalaha islamarkaana hurumar gaarsiiyeen degaano kale.

Bishii 7-aad sanadkii 2013, Madaxweynihi hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waxa uu laalay doorashooyinki ugu horeeyay ee si dimuqraadiyad loo qabanlahaa sababo la xiriira qaswadayaal gudaha ah-oo ay ka mid ahaayeen burcad badeed fadhigoodu yahay magaaladda Gaalkacyo.

Inta badan, dambiilayaashan waxay isu haysteen in is hortaaga waxqabadka dowlada ee gobolka Mudug dani ugu jirto, iyagoo markaa xirnaa shaati qabiil.

Kooxda Dabagalka Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya, waxay madaxweynaha Puntland ku eedeeyeen xiriirkiisa hoose ee kala dhexeeya burcad-badeedka, iyadoo sawiro mareegta Facebook ka soo muuqday sawir uu madaxeynaha la galay labo nin oo walaalo ah-Cabdiqani Diiriye Cabdulle iyo Axmed Diiriye Cabdulle (Cagdheer).

Sida muuqata, cadawgii siyaasadeed iyo qaswadayaashi shalay oo ay ka mid yihiin Yaasiin Cabdisamad iyo haween qaadka ka ganacsada sida Xaawo Cad waxay horboodayaan Cabdiweli Gaas meel kasta oo uu taggo gobolka Mudug, waana mid aan suurta gelin wakhtigii xukuumaddi isaga ka horaysay.

Sabtidii, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxa uu tegay Gaalkacayo isagoo ka shanqariyay guuxa suuqa ku jira oo ah, in madaxweynuhu is yiri joogitaanka Gaalkacayo dan weyn baa ku jirta: “Madaxwayne Gaas 3-asbuuc ayuu joogay Gaalkacyo, warar badana waa ay nasoo gaarayaan in wax badan ka qabtay, balse wararku lays la dhexmaraayo waxaa ay sheegayaan in madaxwaynuhu Gaalkacyo yimi shaqo badana ka qabtay caasumadii ka yimina muddo ku noqon doonin, madaxwaynuu caasumada waa uu ku noqonayaa goboladana si caadaalad ah inuu uga shaqeeyo xaq ayuu u leeyahay, Gaalkacyana waa uu ka sheeqayay caasumadana waa uu ku laabanaayaa iyana waa uu ka shaqaynaayaa,” ayuu yiri mudane Shire. Halkan ka daawo hadalka Gudoomiyaha Barlamanka Puntland

Hadaba su'aasha is-waydiinta mudan waxay tahay welwelka madaxweynaha Puntland ka muujiyey in la dayacey hurumarkii magaalada Galkacayo ma tahay mid gaarsiisan degaanada kale iyadoo aan ka warqabno in golihii degaanka ee magaalada Bosaso oo hal-bowle u ah Puntland aan weli la dhisin.

Golahaan degaanka ayaa madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas kala direy isagoo wareegto uu soo saarey ku sheegey in muddo 45 cisho lagu soo dhisi doono mid cusub balse ma dhicin oo iminka waxay mareysaa bishii sadxexaad iyadoo magaalada Bosaso aysan laheyn maamul degmo oo sharci ah ee ka howlgala.

Golaha degaanka degmada Garowe ayaa sidoo kale madaxweynaha Puntland kala direy isagoo magaalada ka ambaxbaxey maalmo ka hor inta aan la dooran midka cusub.

Waxaa xusid mudan in dadweynaha gobolka Nugaal xooga saareen sidii golahooda degaanka oo uu madaxweynaha Puntland sida sharci darada ah ku  kala direy dib ugu soo dhisan lahaayeen.

Gunaanadka qoraalkaan su'aasha is-weydiinta mudan waxay tahay siyaasada madaxweynaha Puntland ee ku saleysan hurumarinta deganaada xukuumadihii ka horeeyey dayaceen ma waxay noqon doontaa mid ku kooban magaalada Gaalkacayo iyo tuulooyinka ku hareereysan sida Bursaalax mise waa mid gaari doonta dhulka kale ee Puntland oo baaxadiisa tahay mid balaaran.

Su'aashaas Jawaabteeda waxaan u dhaafeynaa waqtiga soo socda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo fulinaya qorshe cusub uu ku wajahan maamulada

Qorshahan ayaa waxa uu mar kale ka careysiin doonaa mucaaradka federaalka iyo dowlad goboleedyadda.

  • Faalada Warka

    24-04-2024

  • 06:07AM

Laftagareen iyo Madoobe oo ku dhow iska furida xirsigii Xasan Sheekh

Hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa kusii siqaya soo afjarida maalmihii malabka nidaamka xukunka haya.

  • Faalada Warka

    20-04-2024

  • 04:18PM