Aamusnaanta Puntland iyo Qaadashada Nadaamka 4.5ka

Image

Puntland waxay butdhige u tahay shirarkii loogu magac darey "Garowe Principles and Galkacyo Accord", islamarkaana natiijadii shirarkan ka soo baxdey darteed waxaa loogu aqoonsadey Dawlada Federaalka inay tahay Dawlad rasmiya kagana baxdey magacii ku suntanaa ee Ku-meel-gaarka (Transitional Government).

Dawlada Federalka Somalia ee Caalamku aqoonsadey markii u horeysay waxaa nasiib u yeeshay inuu hogaankeeda qabto Xasan Shiikh. Qodabada ugu muhiimsan Madaxweyne Xasan Shiikh Looga fadhiyey inuu dhaqan galiyo mudada 4 sano uu xilka ahayey qodabadii ka soo baxey shirarkii is-daba jooga ahaa "Garowe I & II Principles".

Heshiisyadaa oo muhim u ahaa hanaan socodka Dawlada Federaalka ayaa go’aamada la isla qaatey waxaa ugu mihiim-sanaa soo dhisida dhismaha guddiga loogu magac darey "National Constituency Assembly (NCA)". 

Gudigaani sida ku qeexan hesiiskii "Garowe I Principles" qodabka kowaad farqooyinkiisa a,b,c,d,e,f,g,i waxay qeexayaan soo dhisada gudigaan ka kooban 100 oo matalaya dhamaan gobolada Somalia, sidaa darteed helida gudigaan ayaa fure u ah taaba-galinta arimaha lagu heshiiyey iyo arimaha laga balamey in la hirgaliyo uu u horeeyo dhameystirka Dastuurka Qabya Qoraalka ah. 

Mudane Xasan Shiikh waxba kama soo qaadin "Garowe Principles" iyo heshiiskii Galkacayo "Galkacyo Accord" oo ay u dhamayen Saxiixayasha kulankas (Signatories of the Roadmap) mira dhalkoodiina Dawlada Federalka uu madaxda ka yahay lagu aqoonsadey, bal waxaa la oran karaa wuxuu burburinayey waxa kastoo lagu soo heshiiyay isagoo muujinayey in nadamka Federalka Somalia uusan ahayn mid ku haboon.

Mabadiida Shirarka Garowe lagu gaarey, waxna waxay ahaayen kuwa laga heshiiyey iyo kuwa loo balan oo gudiga (NCA) ansaxintiisa ku xirnaa iyo kuwa laga heshiiyey sida ku saleenta in Deegaan wax lagu qaybsado Labada Aqal (Sare iyo Hoose) markii la gaaro 2016. 

Aqalka Hoose waa aqalka Wakiilada Shacabka (Representatives) iyo Aqalka Sare ah Aqalka Wakiilada Dawlada Goboleedyada (Senators), labadan Aqal in Deegan lagu saleeyo waxay heshiis Saxiixayashu ay wada qaateen, islamarkaasna dhaqan galaya xiliga doorashada 2016-ka, halkaasna looga bixi doono qaabka 4.5.

Sida ku cad go’aamada Garowe 24 Dec, 2011 iyo 17 Feb, 2012 ka soo baxay waxay si cad u qeexeen in nadaamka 4.5 ku eg yahay 2016, maxaa ka dhigay qodob furan oo keeney  in laga dooodo waa arin ragaadineysa islaamarkaana dhinac marsan wixii lagu heshiiyey.

Hadaba Hasan Shiikh waa muuqatey inuu Garowe I & II wixii lagu gaarey uu ka soo qaadey qori iyo qiiqiisa waa laysla tuuraa bal maxay tahay sababta keentey in - Madaxweynaha Puntland oo matalaya goobtii bud-dhiga u ah hashiisyadii hogaamiyasha caalamka ay u qireen inay yihiin kuwa taariikhda Somalia baal-dahaba ka galey islamarkaasna iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan kulankii lagu qabtey Garowe "Somali National Consultative Constitution Conference in Garowe" ay ku aqoon sadeed Dawalada Somalia mid rasmiya – waxa khasbaya Dr. Gaas inuu ku tunto Puntland qodab ka mida mabaadiida ay ku dhisan tahay?

In badan waxaan Madaxweynaha Dr. Gaas ee Puntland ka maqalnaa markii uu hadba ka soo noqdo shirarka loogu magacdarey Madasha Doorashada Higsiga 2016 oo Xamar iyo Kismayo lagu qabtey hadana Xamar dib loogu balamey hadalo dhinaca sharciga laga fiirsho Puntland dhigaya  maqaam khaldan.

Dr. Gaas wuxuu Idaacada VOA ka sheegay mar uu ka jawaabey su’aal ahayd 4.5 ayaa aqalka hoose in lagu qaybsado ogolaateen ‘waxba kama jiraan aqalka sare iyo aqalka hoose labo wax oo isku xiran weeye, midna gaar looma dhisi karo midna gaar loogama korkortami karo wixii la ogolaanayo waa wax isku xiran oo package ah weeye – qofba inuu wax ka tanaasulo ayey noqon doontaa gunaanadka’.

Marka dhab loo dhuuxo hadalka Madaxweyne Gaas oo “ah Labda Aqal way isku xiran yihiin (one package)” iyo u jab-jabnaashaha uu u heelan yahay aadista shirarka lagu burburinayo heshiisyadii kasoo baxey kuwii ka horeeyay ee Garowe I & II, waxaa shaki ku jirin inuu Madaxweynuhu ogol yahay ku saleynta labada aqal nidaamka 4.5 Doorashada 2016.

Xaqiidu waxay tahay Puntland arinka qabiil wax ku qaybsiga (4.5) waxay ka qaadatey go’aan adag oo diidmo ah, islamarkaasna sharcigeeda Dastuurkana waafaqsan in gorgortan laga ogolaado waa sharci daro iyo jabin mid ka mida mabaadiida ay ka leedahay wax la wadaagida Dawlad Gobaleedyada Federalka ku midoobey. 

Madaama go’aan ka qaadashada masiirka Puntland ee mustaqbalka sida Federalka wax ula wadaagayso anan laga tashan golayaasheeda Dawlada iyo Shacabkeeda wixii horey go’aan uga qaadateyna aan loo tixgalin oo gorgortan laga galiyey. Maxaa hadaba Puntland la gud boon markii loo soo qaado mabda’a habka qabiilka ku saleysan ee 4.5 inay Somaliweyn Federalka kula wadaagto?

Othman MJ " Garowe Online Contributor"

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM