Eedda Yaa Leh: BBC Mise Farxaan Maxamed Jimcaale ?

Image

Sannadkii 1983 aniga oo ka shaqeeya Radio Mogadishu, baan deeq waxbarasho ka helay dalka Ingriiska. Waxaan Koorsooyin ka qaadan jiray seddex kulliyadood oo kala ah SOAS, Commonwealth, iyo LSE oo jaar la ahayd daarta BBCda ee Bush house.

Kulliyadahaas kuligooda waxay ka tirsanyihiin Jaamacadda London University. 

Maalin maalmaha ka mid ah baan ka baxay daarta kulliyadda LSE oo u wareegay BBCda laanta Af Soomaaliga . Waxaan galay xafiiska madaxa laanta oo ahaa nin la oran jiray P. Giles.

Salaan iyo waraysi gaaban ka dib buu ii dhiibay warqad uu ku qoranyahay war Soomaaliya ka hadlaaya oo Af Ingriis ku qoran. Marku hubiyay in aan warkii wada akhriyay, buu I weydiiyay eray warka ku jiray oo ahaa ‘Deny’ wuxu Af Soomaali ku noqonayo. Waxa aan ku iri,”Waxa aan oran lahaa BEENIN.”

Waxooga marku aamusnaa buu yiri, “Ma la oran karaa DAFIRAY?”

“Maya”, Baan ku iri

“Waayo?” Buu yiri.

Waxaan ku iri, “Marka hore, dafiray ma aha eray warbaahineed. Marka labaad DAFIRAY waa wax jira oo la inkirayo.”

Waqtigaas Safiirka Soomaaliya wuxu ahaa Shariif Saalax (Ilahay ha raxmado). Waxa aan waa danbe ogaaday in safaarda Soomaaliya dacweysay laanta af Soomaaliga ee BBCda, ka dib markii wariye ka mid ahi war u akhriyayay istcmaalay erayga DAFIRAY.

Weertu isticmaalay waxay ahayd, “ Dawladda Soomaaliya waxa ay Dafirtay inay arday ku xirxirtay magaaladda Hargaysa.” Waxay ahayd waqtigii bannaanbaxyadu ka bilowdeen Hargaysa, Wariyaha warka akhriyayna wuxu ahaa reer Hargaysa.

Isla waqtigaas waxa BBCda laanta Africa u dacwooday rag ka tirsanaa ururadii dawlada Soomaaliya ee Moxamed Siyaad Barre (Alle ha u Naxariisto) ka hor jeeday oo Ethiopia ka soo hawlgeli jiray, horena dadwladii Soomaaliya madax ka soo noqday. Waxay ka cabanayeen in wariye waraystay u xaglinayay dawladii kacaanka.

Isla maalmahaas waxaan la kulmay, Wariyaha caanka ah ee Cabdillahi Xaaji Cabdi oo waraysi iga qaaday. Markaan waraysigii dhamanay buu qado ii geeyay ‘cafeteria ‘da BBCda . Intaan qadaynaynay baan weydiiyay cidda Su'aalaha waraysiyada u samaysa wariyayaasha. Wuxu igu yiri, “ Wariyuhu waa u xor su’alaha waase in ay macquul yihiin, loona baahan yahay oo aysan ka hor imaan siyaasadda BBCda.”

Marka aan u soo noqono Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Xasan Cali Khayre wax BBCda khuseeya ama siyaasadda BBCda noqon kara waraysiga kuma jirin. Waxay iigu muuqata in waraysigu ku ekaa KHIBRAD LA’AAN ama dano gaar ah. Waxaanse laga ilduufi karin in  BBCdu ay ka mid tahay idaacadaha Reer Galbeedka oo leh awood khatar ah sida ay tilmaamayaan qoraalo iyo daraasooyin badan oo u ka mid yahay buuga "Power without Responsibility.” by James Curran and Jean Seaton."

Waxaa Qorey: Yusuf Mohamed Haid 


Prof: Yusuf Maxamad Haid waxaa uu kasoo shaqeeyey Radio Muqdisho, Director kasoo noqdey Talifishinkii qaranka Soomaaliya, waxaa uu jaamacada St Louis ee ku taal cariga Mareykanka ka bartey culuunta saxaafada, hadda oo uu shaqada ka fariistey waxaa uu casharo ka bixiyaa jaamacado ku yaal dalka Soomaaliya 

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM