Gaalkacyo Ma Loo Helikaraa Xal Waara?

Fikradaha

Mise Kaarjebin iyo Dab-demis Ayaa Markan Lagu Dajinayaa? Qodobadani Xal Ma U Noqon Karaan?

“Dagaalka saakka ka qarxay Gaalkacayo ee u dhexeeya labada maamul ee Puntland iyo Galmudug waxa ku dhintay 10 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 60 qof“, waxaa hadalkaa odhanaya wariyaha Somali Channel, 22.11.2015

“Annaga cisbitaal ahaan waxa na soo gaaray 43 qof oo dhaawac ah, dadkaas 5 kamid ahi waa caruur yaryar 5 kalena waa haween, afar qof dhaawacoodu waa halis, dhammaantood xaafadahooda iyo guryahooda ayay rasaastu ugu timid“, Dakhtar Maxamed Xuseen Aadan, Cisbitaalka Gaalkacyo ee dhinaca waqooyi. 22.11.2015

Mar kale, isla 4 cisho kedib, waxa Gaalkacyo laga soo wariyey , “Ugu yaraan siddeed ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka tiro ka badan 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal dib uga qarxay manta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka“.

Weliba, sawirka Somali Channel waxa ka muuqday wiil yar oo lagu qiyaasi karo ilaa 2-3 sano oo lugta dhaawac xoogani kaga yaallo la moodo in uu miyir doorsoomay.

Dhibka kale ee dhacay waxa kamid ah in gebi ahaanba ay qaxeen dadkii deganaa magaalada Gaalkacyo dhinaca ay doonaan haka deganaadaane. Waa markii ugu horaysay ee sidan oo kale mar qudha looga wada qaxo muddo labaataneeyo sano ku siman.

Waxa kasii daran, saxeexii heshiiska ee qalinka iyo saxeexii colaadda ee keebka qoriga ayaa isku xigay!

Qaybtan dambe ee dagaalka waxa la bartilmaameedsaday oo la dumiyey bilicdii iyo quruxdii magaalada hanti dad shicib ah oo ganacsato ahi tabcadeenna waa la dumiyey! Sida lasoo warinayo waxa waxyeelo soo gaadhay ganacsato iyo xildhibaanno.

Waa belaayada bilawgeeda, madax la qabtay leedahay ee dub la qabto malaha! Waxaase xaqiiq ah, sida taariikhdeennu ka markhaati tahayba, in xabadda joojinteedu adagtahay marka ay gasho gacanta inta dagaalku macaashka u yahay. Waxa xaqiiqo ah, in nabaddu ugu fogtahay marka ay gacanta u gasho inta qoriga ku ceeshta ee nabaddu camal la’aanta u tahay ee ay gacantooda ka baxdo dadka caadiga ah, ganacsatada, aqoonyahanka, odayaasha, culimada, haweenka iyo masuuliinta sarsare. Waxa aan la hadlay dad labada dhinac ee magaalada ka kala qaxay, waxa ay ku sugan yihiin deegaanno magaalada kulaalaya waxaana ay qaateen alaabooyin fudud rajo weynna way ka qabeen in ay maalin ama laba kedib ku noqdaan, toban maalmood way dhaaftay! Waxa ay tani i xusuusisay 1988kii markii dagaalladu ka bilaabmeen Burco iyo Hargeisa ama 1991kii Muqdisho iyo magaalooyin kale oo badan ee dadka guryahooda ka qaxayey ku fikirayeen in ay gelinka dambe soo noqondoonaan hase ahaatee ay sannadaha ku qaadatay.


Intaa sare inooogu filan khasaaraha ka dhacay Gaalkacyo labadii usbuuc ee ugu dambeeyey. Qodobana waa la xar-xariiqay hordhac ah. LAAKIINSE, waxa muuqata in aan weli la gaadhin waqti la is weydiiyo sida giraanta colaadda ee wareegaysa ay Gaalkacyo kaga bixi karto? Waxa isweydiintu tahay, muddo dheer ayay Gaalkacyo kusoo jirtay colaad, cabsi, deganaansho la’aan, werwer joogto ah oo dhex yaalla dadka ku wada nool. Mar kasta oo isku-dhac yimaaddo xaaladda waa la dejiyaa ama la qaboojiyaa waxaana inta badan gacanta ku haya dadweynaha wada dhaqan ee xididka, xigaalka, xasabada iyo riximka isku wada ah. Dajintaasi waxa ay u dhacdaa sidan:

Xabbad-joojin

Ciidamada oo la kala durkiyo

Abaabulka ciidanka oo la joojiyo, iyo

Wixii dhacay oo laga wada-hadlo.

Haddaba, waxa isweydiin leh, intani ma dhammaynaysaa giraanta colaadda iyo dhibka Gaalkacyo ka jira? Ma dab-demisbaa mise waa xal dhammaystiran qodobadani? Intaasba haddii la sameeyo, dhibkii ma joogsanayaa? Waa MAYA, MAYA iyo MAYA!  Waxa loo baahan yahay XAL WAARA oo xididada u saara tiirarka colaadda oo adeeya tiirarka nabadda.

Su’aalahaasi, waa kuwa igu dhaliyey in aan qormadan kooban soo qoro. 

Waxa dooddayda ugu weyni tahay, GAALKACYO WAXA AY U BAAHAN TAHAY XAL QOTO-DHEER, WAARA OO SUULIYA dhibaatada soo noqnoqonaysay muddada dheer ee qarniga ka badan, dhibaatadaas oo soo noqnoqondoonta mustaqbalka haddii aan wax laga bedelin qaabkii hore ee sarka-xaadiska ama dul-marka ahaa ee aan dhibka jira inta hoos loogu daadego, la falanqeeyo dhibaatooyinka xiisadaha colaadeed waraabinaya xal muddo-dheer  midho ku dhala aan loo dejin jirin.

Ma Kaarjebin (anti-pain) mise Daawayn Dhab ah (anti-biotics)?

Doodda qoraalkani waxa uu abbaarayaa iftiiminta qaabka uu dhaqanka Soomaalidu wax ku xalliyo oo u badan ku-meel-gaadh oo lagu tilmaami karo dejin, qaboojin ama gamaarin khilaafaadka bulshada ka dhex dhasha. Qaabkan waxa lagu tilmaami karaa in uu lamid yahay dawada kaarjebinta ah. Dawada kaarjebinta ahi xanuun meesha kama saarto laakiin waxa ay khiyaamaysaa dareemayaasha iyada oo u dirta fariin ah in aan xanuun jirin waana ay ilawsiisaa qofka xanuunka dhibkiisa hase ahaatee, waqti yar kedib waxa soo noqda xanuunkii. Haddii qofku mar kale kaarjebin cunona sidii oo kale ayay mar kale ilawsiisaa, waxaase dhacda in aakhirka xanuunkaasi qofka soo rito oo uu gaadho waqti aan waxba kaarjebintu ka qaban karaynin. Taas waxa lamid ah, mushkiladaha tirada badan, soo noqnoqonaya, isa soo taraya maalinba maalinta ka dambaysa ee aan dhammaanaynin ee Gaalkacyo kawga ka tahay. Qaabkaas waxa kamid ah magaha la kala qaato, qoryaha iyo hantiyada la kala dhacay ee la isu soo celiyo ama la mag-dhabo, in dib loo wada dego iwm.

Qaabkaas waxa kasoo horjeeda qaab daawayn ama suulinta mushkiladda ah. Qaabkaasi waxa uu dhigayaa in marka xaaladda la dejiyo ee nabad lagu soo dabbaalo sida dhaqanka Soomaalidu yahay ee aan soo sheegnay, arrinta dhacday iyo kuwa kale ee ku xeeran ee saamaynta taban ku lehba la lafo-guro, la falanqeeyo si dhab ahna loo daweeyo kedib marka mushkiladaha la isla cayimo. Qaabkani waxa uu lamid yahay dawada antibiotic-ga ah ee xanuunada sida tooska ah u dawaysa. Dawadani waxa ay kaga duwan tahay nooca kaarjebinta ah, waxa ay abbaartaa cudurka jira oo bacteeriyadiisa ama virus-kiisa ayay dishaa muddo koobanna waa la qaataa waxaana laga helaa caafimaad taama. In kastoo aynu dhaqan u leenahay qaybo kamid ah qaabkan haddana Soomaalidu inta badan waxa ay mushkiladaha kaga hadhaa in ay shiikhiso oo ay qayb kamid ah dawayso. “Milil guudkii lama dhayo” iyo “dab ninkaan ku gubani, dambaskiisa kama baqo” ayaa kamid ah maahmaahyaha tilmaamaya in dhibaatooyinka xididada loo siibo laakiinse nasiib-darro qaab dab-demis ah ayaa loola dhaqmaa mushkiladaha oo laguma dhaqmo maahmaahyahaas.

Dab-demis

Dhinac kale marka laga eego, waxa lagu tilmaami karaa qaabka Soomaalidu u xaliso dhibaatooyinka khaas ahaan khilaafyada ama colaada qaabka dab-demiska oo kale. Ciidamada dab-demisku waxa ay sugaan inta meeli ka ololayso ama gubanayso. Marka meeli gubato qaylo iyo sawaxan ayay ku dhuftaan iyaga oo si xawli ah u socda waana loo banneeyaa kedibna waxa ay deg-deg u damiyaan dabka kedibna halkoodii ayay ku noqdaan iyaga oo sugaya dab kale oo meel ka qarxa. NASIIB-DARRO qaabka colaadaha iyo mushkiladaha aynu u xalinno ayaa sidaas oo kale ah! Odayaasha dhaqanka, culimada, masuuliinta iyo wax-garadka kaleba qaabkaas oo kale ayay ula dhaqmaan marka colaadi meel ka qaraxdo. Weliba, way ku fiican yihiin oo way gurman yaqaanaan. Marka ay meesha gaadhaan xabbad-joojin deg deg ah ayay sameeyaan dadkuna way u hogaansamaan, ciidamada ayay kala durkiyaan dadkana way isku soo celiyaan oo rajo nabadeed ayay dadka tusaan wixii la isku hayeyna si fudud oo kaarjabinta oo kale ah ayay ku joojiyaan sida dadkii dhintay oo la isu tuuro baaqigana cidda lagu yeeshaa bixiso, hantida oo la isu soo celiyo, xaal iyo ganaax laga qaado midkii gardarada lahaa iwm. ayay ku dhammeeyaan kedibna sidii ciidanka dab-demiska ayuu qofwaliba meeshiisii ku noqdaa si uu mushkilad kale u sugo deminteeda!

Waa Markee Marka ay Nabadi Jirtaa?

Waxa iyadana mushkilad kale ah, sida Soomaalida badankeedu u taqaanno ama u fahamsan tahay nabadda? Dadkeennu colaadda waxa ay u yaqaannaan marka xabaddu dhacayso ee dagaal socdo ama la isku hor-fadhiyo. Waxa ay nabad u yaqaannaan marka aanay xabadi dhacaynin oo dagaal socdaa jirin. Waxa lagu doodikaraa in fahamkaas qalad weyni ku jiro xaqiiqdana ka fogyahay. Waxa la odhan karaa, colaad ama khilaaf wuu jiraa inta ay jiraan asbaabaha sababi kara in ay dhashaan. Dagaal la’aanta kali ahi ma tilmaamayso nabadda ee wax kasta oo dagaal dhalin karaa inta ay jiraan nabadi ma jirto. Waxase la odhan karaa, nabadi waxa ay jirtaa oo taam tahay marka aanay jirin calaamado saansaan colaadeed leh, sida dhul la isku haysto, turxaan ama tabasho tiiraanyo leh oo aan laga dawoobin, dil aan laga heshiinin. Dhinac kale marka laga eego, nabadda iyo colaadduba waxa ay leeyihiin tiirar. Inta tiirarka colaaddu taagan yihiin ee tiirarka nabaddu jilicsan yihiin nabadi waa dheertay. Mararka qaar waxa dhacda in arrinka dhibku ka dhashay ahaynba midka dhabta ah ee dhibka dhaliyey laakiin uu soo dadajiyey dhib dhicilahaa uun. ”Aniga oo ooyi raba ayaa weyli igu joogsatay” weeyaan xaalkeedu.

Oday Soomaaliyeed ayaan hadda kahor ka bartay noocyada nabadda waxaana uu yidhi, ”adeer nabaddu waa saddex, mid fadhida, mid kadaloobta iyo mid taagan. Midda fadhidaa waa midda Nabad iyo Caano loo yaqaanno ee dadku isu calool-fayow yihiin, ta kadaloobtaana waa mid aan sal-dhigin oo ay ku xeeran yihiin dhibaatooyin culays ku haya keenina kara colaad, midda taaganina waa marka colaad la damiyo laakiinse qof kastaa heegan ku jiro oo dhegta taagayo”. 

Soomaalidu waxa ay tusaale usoo qaataan xuunsho iyo tuke is warsaday. Xuushadii ayaa la weydiiyey goorma ayaad ogaataa in lagu waxyeelaynayo waxa ayna ku jawaabtay, ”marka nabad igu dhaco mid kalena la igu soo wado”. Tukihii ayay weydiisay waxaana uu ugu jawaabay, ”marka laba nabad ila damacsani is eegaan ayaan ogaadaa oo meeshaba iskaga tagaa”. Waa middan dambe ta looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed in ay ku baraarugaan.

Dulucda Qormadan Kooban

Arrinta Gaalkacyo aan usoo noqdee, waxa werwer weyn ku haya dad badan oo Soomaaliyeed in sidii caadadu ahaan jirtay xal aan dhammaystirnayn oo dab-demis ama kaarjebin ah lagaga dhaqaaqo colaadda Gaalkacyo. Dadkaas ayaan marka hore kamid ahay. Marka xigta, aniga si gaar ah ayay ii taabanaysaa mushkiladda Gaalkacyo sababtuna waxa ay tahay, aniga oo kasoo shaqeeyey nabadda deegaamada labada dhinac ee dhibaatadu dhextaallo, xidhiidh fiican la leh waxgaradka iyo masuuliinta labada dhinac, in badan kala sheekaystay dhibaatooyinka u baahan in laga hortago inta aanay qarxin. Waxa aan in badan iyo meelo badan ka sheegay in Gaalkacyo iyo magaalooyin kale oo la dabeecad ahi u baahan yihiin xal waara oo ka xeel-dheer qaabka guud-marka ah ee lagu daboolo mushkiladaha dhabta ah ee soo celcelinaya colaadan. Waxa aan in badan jeclaa in aan qoraal cilmiyaysan oo daraasad ah kusoo bandhigo talooyin aan isleeyahay wax weyn ayay ka tarikaraan kobcinta aqoonta dadka Soomaaliyeed si walaahowga colaadda iyo giraanka colaadda loogu bedelo wanaag iyo horumar. Waxa jira deegaamo lamid ah Gaalkacyo oo tiro badan, heer gobol iyo heer degmoba gaadhaya isla markaana waqti uun u baahan in ay qarxaan, (time-bomb) ayaa ku xidhan. Waa meelaha la dabeecadda ah Gaalkacyo ee ay wada degaan ama ku kulmaan beelaha waaweyn ama yaryari laakiinse kala tirsanaya turxaamo aan la dawaynin. Ma rabo in aan kuwo magacaabo, laakiin waa laga dharagsan yahay magaalooyin kala xidhan ama xuduudo qalbiga ahi dhex yaallaan. 

Haddaba, waxa qormadani ku doodaysaa in Gaalkacyo aanay u baahnayn qodobadii afarta ilaa shanta ahaa ee meel kasta lagaga dhaqaaqi jiray. In kasta oo ay bilaw yihiin, qodobada Raysal Wasaare Cumar usoo jeediyey labada dhinac in ay aqbalaan waa kuwii meel kasta lagu dejin jiray. Su’aashu waxa weeyaan, haddii intaasba la fuliyo Gaalkacyo ma helaysaa XAL WAARA? Qodobka aftaad ee tilmaamaya in guddi loo saaro “dhibkii dhacay” waa axsan laakiin dhibku ma intan hadda dhacday sida dhimashadii, dhaawacii, burburkii, qaxii, wadadii iwm. kaliya miyaa? Mise wuu ka xeeldheer yahay oo Gaalkacyo waxa ay u baahan tahay xal XAL ah oo wax ka bedela dhibaatadan boqol-jirsatay ee kun-jirsandoonta haddii aan si rasmi ah xididada loogu siibin ibaha colaadda abuuraya ama ilaha khilaafku kasoo BURQANAYAAN.

Bal si aan usoo koobo, waxa aan halkan hoose ku tilmaamidoonaa dhawr qodob oo tilmaamaya jidka Gaalkacyo iyo meelaha la dabeecadda ah looga saari karo ama loo joojin karo giraanta colaaddaha soo noqnoqda. Aan ka horaysiiyo dhawr arrimood oo in la xuso u baahan:

XAQIIQOOYIN 

Waxa xaqiiqooyin ah:

In Gaalkacyo ummadda Soomaaliyeed ugu fadhido muhiimad gaar ah iyada oo ku taalla badhtamaha dalka isla markaana weligeedba isku xidhijirtay koonfurta iyo waqooyiga dalka. Xaqiiqadani waxa ay hoosta ka xariiqaysaa in Gaalkacyo dhibkeeda iyo dheefteedu wada gaadhayo dadka Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo ay joogaan isla markaana aanay ku koobnayn kaliya inta hadda deegaanka u ah ee isku haysata ama isu muuqata. Dano badan ayaa ku lumaya. Xaqiiqdani waxa ay fasiraysaa sida culayska leh ee Soomaali iyo Ajaanibba loogu gurmaday dhibka ka dhacay. Reer Gaalkacyo waxa ay middani dareensiisay in ay halbawle yihiin mana jiro dagaal meel ka dhacay oo sidan oo kale caalamka iyo masuuliintii Soomaalida oo dhami isugu yimaaddeen.

  • In Gaakacyo kulmiso laba kamid ah beelaha ugu waaweyn ee Soomaalida. Xaqiiqadani waxa ay mar kale tilmaamaysaa in dhibka iyo dheefta Gaalkacyo aanay ku koobnaanaynin dadka hadda deegaanka u ah laakiinse uu si fudud ugu fidikaro daafaha kale ee dhulalka Soomaalidu degto oo dhan. Waxa ay Gaalkacyo waraabin kartaa wanaagga dhex mara labadaas beelood haddii si fiican looga shaqeeyo nabaddeeda.
  • In dadka Gaalkacyo wada deggani ahaan jireen dad waxkastaa ka dhexeeyaan mudd 60 sano ka badan oo ka wada mid ahaayeen hal maamul, meel kaliyaatana looga talin jiray. Tusaale ahaan, muddadii uu Talyaanigu wadanka ka talinayey oo dhan hal maamul ayay lahayd Gaalkacyo (muddo 30 sano ka badan), intii dawladdii Soomaaliya jirtayna hal maamul ayay lahayd oo waxba uma kala qaybsanayn dadka magaalada wada dega. Weliba, waxa ay magaalo-madax u ahayd gobolada dhexe oo dhan (Galgaduud intii aan la samaynin waxa ay ka tirsanayd gobolka Mudug waxaana looga talinayey Gaalkacyo). Xaqiiqadanina waxa ay daliil cad u tahay in dadka Gaalkacyo hal maamul, ay wada leeyihiin oo ka dhexeeya wada yeelan karo.
  • In Gaalkacyo dadkeedu isfahmeen muujiyeenna in ay dhibkastaa ha jiree, wada noolaan karaan tan iyo markii la soo afjaray dagaalladii lagu riiqday ee is-daba-joogga ahaa ee  heshiiskii 15k qodob ahaa ee 4-tii Juun 1993 lagu soo gebagabeeyey, Gaalkacyo (halka hoose guji si aad u hesho qoraalkii heshiiska). Xaqiiqadanina waxa ay tilmaamaysaa in dadka reer Gaalkacyo yihiin dad heshiis wada galin kara kuna dhaqmi kara.

Qaqiiqo kalena waxa ay tahay, in dadkan Illaahay meel ku wada dhaqay weligoodna aanay kala tagaynin meel kale kuna qasban yihiin in ay wada samaystaan nolol iyagu isla aqbalaan.

XAL WAARA?

Waxa xaqiiqo ah in xal waara loo heli karo Gaalkacyo iyo meelaha kale ee ay isku wadciga yihiinba. Haseyeeshee, waxa iyaduna xaqiiqo kale ah in qaabka aynu dhibaatooyinka tan oo kale ah u xallinaa aanay dhalikarin xal dhammaystiran.

Haddaba, anigu ma hayo xal laakiin soo jeedin ayaan ahaa kuwaas oo tilmaamo guud ka bixinaya bal wadooyinka loo mari karo xalka waxaana ay yihiin iyagii oo kooban:

  • In marka hore garaad ahaan lagu qanco in xal xabbad-joojin iyo mag la kala qaato ka weyn loo baahan yahay
  • In dadka Gaalkacyo wada degaa bal marka hore mushkiladaha iyo dhibku meesha uu ka imanayo isku waafaqaan (Sideedaba, haddii aan mushkiladdu waxa ay tahay la isku waafaqsanayn, xalkana ma la keenayo sababta oo ah, qofba mushkiladda kalidii uu fasirtay ayuunbuu xalkeeda arki karaa waana midda Soomaali haysata. Soomaaliyi waxa ay xal u la’adahay waxyaalaha u asalka ah waxa kamid ah, mushkiladdo la isku waafaqay oo la yiri dhibkeennu waa kaas ma jiraan, kedibna xalalkii waa lagu kala tagsan yahay). Tusaale ahaan, waxa mushkiladaha kamid noqon kara NACAYBKA la kala dhex dhigay dadka walaalaha, CABSI , KALA-SHAKI, MU’AAMARAD la kala qabo ayaa kamid noqon kara, KALA-SHEEGASHADA iyo IS-RIIXRIIXA dhulka u dhexeeya beelaha ayaa kamid noqon kara.
  • In marka mushkiladaha la isla garto ama intooda badan la isku waafaqo, mushkilad walba loo dejiyo qorshe wax lagaga qabanayo. Tusaale anaan, CABSIDA, MU’AAMARADDA, SHAKIGA iwm. waxyaalaha wax lagaga qaban karo waxa kamid ah:
  • In ganacsatadu wax isku darsato, tusaale ahaan NALKA, BIYAHA, GAADIIDKA, HOTELADA, SHIDAALKA iwm. ay ganacsato labada dhinac ahi wada yeeshaan. Haddii maanta taasi jirilahayd, waxa xaqiiqo ah in aan dagaal magaalada ka dheceen si kasta ha la isu khilaafee waayo iyaga ahaa dantooda ilaashan lahaa.
  • In dallado loo sameeyo MUCALLIMIINTA, CULIMADA, HAWEEN, DHALLINYARADA, ISKUULADA iyo MADARASADAHA iwm. kulamo joogto ahna yeeshaan. Tusaale ahaan, in culimada dhinacan ahi khudbado iyo dodo kusoo qabtaan magaalda dhinaceeda kale. 

Weliba, waxa dhici karta in caalamka iyo dawladda Federaalka ah lala kaashan karo

  • In dadka aqoontooda xalinta khilaafaadka la kobciyo khaas ahaan dhallinyarada si GACANTA FUDUD iyo QAYRKAA-ISKA-DHICIDA loogu bedelo qaabab kale oo mushkiladaha lagu xalinkaro.
  • In gogosha Gaalkacyo laga ballaariyo darafyada darajada koobaad waana in gogosha xabadjoojinta kedib la keenaa beelaha dhibka kulaalaya ee marka dagaal dhaco aan ka maqnaanaynin. Faa’iido mooyaane khasaase ma laha sababta oo ah waxa ay keenaysaa dad arrimo guudi u muuqdaan sidoo kalena culays saari kara dhinacyada ay isku oodda yihiin
  • In iyada oo lala kaashanayo caalamka magaalada laga sameeyo adeegyo dadku wada wadaagaan oo isku sidkaya bulshada, (inter-dependency) abuuraya.
  • In la sameeyo Machad (kulliyad) lagu barto culuunta nabadda iyo xalinta khilaafaadka oo masuuliinta kala duwani wada dhigtaan

Gunaanad

Si ay u muuqato, khilaafkan Gaalkacyo waa uu sii murgayaa waxaana uu tusaale ka yahay Soomaalidan sii kala yaacaysa ee qabiil kastaa usii kala baxay tobanka qabiil. Gaalkacyo meelo kale oo lamid ah ayaa jira una baahan inta aan sida Gaalkacyo sida dab-demiska loogu gurman in hadda laga hortago oo tarkiibadda wax laga bedelo. Dadka Gaalkacyo waa dad colaad iyo nabad yaqaanna waxaana caddayn u ah sidii ay ugu dhaqmeen heshiiskii labaatan sano ka badan kahor ay wada gaadheen.

Haddii tallaabooyinka faqradda 3aad ku qoran la hirgeliyo oo bal marka ugu horaysa cabsida iyo kala-shakiga la yareeyo oo is-aaminaadi timaadda, waxa dhici karta in ciidamada la isku daro oo la wada taba-baro aakhirka oo sidii Ambassador Affey sheegay, iyagu ka koobnaadaan ciidanka Soomaaliyeed ee caalamka laga dalbanayo in la xoojiyo.

AFEEF:

Si ula-kac ah ayaan uga booday dhinaca siyaasadda ee Gaalkacyo qoraalkaygana waxa aan diiradda ku saaray dadka wada degan iyo inta ay saamaynayso (oo run ahaantii qof walba oo Soomaali ah kamid yahay), sidii ay magaalo ahaan dhibkooda wax uga qaban lahaayeen. Qoraalkaygu mana muujin mana diidin in laba maamul ka taliyaan magaalada, mid kali ahi ka taliyo  iyo qaab kale midna. Waan jeclaan lahaa in aan intan kasii kordhiyo dhinacyo kalena taataabto laakiinse wuu dheeraaday, IA markale.

Rabbow Eex Ma Tiraabine, Aqoon Ha Igu Cadaabin!

Wa Billaahi Tawfiiq

Jaamac Gaabuush “Nabad-doone”

Qoraaga maqaalkani waxa uu mudda la shaqaynayey hayadaha samafalka khaas ahaan arrimaha nabadda iyo xalinta khilaafaadka, qayb kala duwan oo wadanka ah. Waxa uu kasoo shaqeeyey deegaamada Puntland iyo Galmudug. Wixii fikrad ah kala soo xidhiidh: jama.a.gabush@gmail.com

Warar la xiriira

Wararkii ugu dambeeyey