ISBAHAYSIGA SEDAX GEESOODKA AH

Fikradaha
By Cabdiraxman Cabdishakur

Innaga iyo Itoobiya waxaanu nahay laba dal oo deris ah. Loolan siyaasadeed oo dheer ina dhexmaray. Waa dal wayn oo itaal, dhaqaale iyo xiriir dawli ah intaba innaga badan. Waxay kaloo inaga sitaan aqoonta ay inoo leeyihiin. Ma badna inta aan Itoobiya ka naqaan. Inta badan xogteenu waxay ku dhisan tahay waa la yiri iyo cilmi dhagood.

Waxaan Itoobiya booqday sanadihii ugu horeeyey ee ay talada dalka la wareegeen ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF). Maadaama ay Jabhadu doonaysay in ay gacanta si buuxda ugu dhigaan talada iyo awoodd dalka waxay soo dhowaysteen qowmiyadaha ay is lahaayeen waad garabsan kartaan, Soomaalida si wayn ayey u soo dhoweeyeen. Waxaan xusuustaa Meles Zenawi oo Soomaalida ka difaaca qowmiyadaha kale gaar ahaan Amxaarada ka yureeya, baasaboorka Soomaaliga la soo baxa. Hadal haynta ugu badan ee xilligaa socotay waxay ahayd Itoobiyada cusub. Waa laga xoroobay kaligii taliskii nidaamkii Dergiga ee Mingiste. Meles kuma ekayn oo keli ah in uu kasbado shacabka Soomaali Galbeed ee wuxuu isku deyey in uu shirar dib u heshiisiin u qabto Soomaaliya. Shirkii 1993 lagu qabtay Addis Ababa ayuu isku keenay dib u heshiisiinna u qabtay koooxaha Soomaalida. Waxaan xusuustaa Dr C/majiid Xuseen oo leh hoteelka ay ku shirayaan ka sii dayn mayno ilaa ay ka heshiiyaan. Jabhaddii TPLF markii ay talada dalka Itoobiya gacanta si buuxda ugu dhigtay waxaa gebi ahaanba is beddelay siyaasaddii soo jiidashada ee furfurnaanta iyo dabacsanaanta ku dhisnayd. 

Abiy Ahmed 

Abiy Ahmed iyo qowmiyadda Oromada ee uu ka soo jeedo waxay ku cusub yihiin hoggaanka talada dalka. Waxay ku jiraan xilligii  furfurnaanta iyo soo-jiidashada qowmiyadaha kale. Xilligii uu Zenawi iyo qowmiyadda Tigreegu talada dalka qabteen waxay maquuniyeen oo awooddii ay lahaayeen wiiqeen Amxaarada oo ahayd qoladii uu Mengistu Haile Mariam ka dhashay. Waxay ku guuleysteen in dhammaan qowmiyadihii kale ay ku abaabulaan Amxaarada, una tusaan in ay yihiin cadawga koowaad ee mudan in Itoobiya laga qabto. Amxaaradii waxay noqdeen Tuke caanbaar leh  oo cid walba il xun ku eegto ilaa ay magaca qowmiyaddooda la gabbadaan. 

Hataan qowmiyadda uu Abiy Axmed u arko in caqabad wayn ku yihiin xukunkiisa waa qoladii 28-kii sano ee tegey talinaysay waa qowmiyadda Tigreega. Oromo waxay isbahaysi galeen Amxaarada oo ay haatan isku cadaw yihiin. Wuxuu kaloo Abiy soo dhowaystay Asias Afawerki oo qowmiyad ahaan Tigree ah laakiin hoggaankii TPLF ay cadaawad xooggani u dhaxaysay. Wuxuu kaloo dabacsanaan iyo furfurnaan kula dhaqmayaa Soomaalida oo hataan dawlad u dhisan tahay haba taagdarnaatee 

Abiy Axmed waxaa haysta Caqabado badan oo hataan ka mashquulinaya in uu dibadda soo dhigo siyaasadda dhabta ah ee uu Soomaalida Galbeed iyo Soomaaliya-ba kula dhaqmayo. 

Xukun Xajin 

Abiy weli uma suuragelin in aawoodda dalka gacantiisa soo wada gasho. Weli gacanta kuma hayo hoggaanka qowmiyaddiisa Oromada iyo guud ahaan ururka EPRDF oo ah xisbiga talada dalka haya oo ay ku midaysan yihiin qomiyadaha Amxaarada, Tigreega, Oromada iyo Iskutaga qowmiyadda Koonfureed. 

Qowmiyadda Oromo waa qawmiyad aad u qaybsan. Waxay leedahay kooxo kala aragti iyo hoggaan duwan. Shan koox ayaa ugu wayn . 

Kooxda uu hoggaamiyo Merera Gudina oo ah Oromo Federalist Congress (OFC). Waxaa kaloo jira Oromo Democratic Front, (ODF) oo uu hoggaamiyo Lencho Letta. Waxaa kaloo jira Oromo Liberation Front (OLF) oo uu hoggaamiyo Dawud Ibsa. Waxaa kaloo jira kacdoonka dhallinyarada oo la yaqaan Qeerroo oo uu hoggaamiyo Jawar Mohammed. Iyo kooxda uu Abiy hogaamiye oo horay loo oran jiray Oromo Peoples’ Democratic Organization (OPDO), laakiin haatan la baxay Oromo Democratic Party, (ODP). Markii uu Hailemariam Desalegn is casilay ayaa si uu Abiy ugu tartamo hoggaanka ururka EPRDF, waxaa xilka OPDO uga tanaasulay Lemma Megersa oo ah Madaxweynaha Kilinka Oromada. 

Shantaas koox ee Qowmiyadda Oromada ka soo wada jeeda weli ma midaysna mana laha hal aragti oo Itoobiya lagu hoggaamiyo, laakiin waxay ka midaysan yihiin in fursadda taariikhiiga ah ee qowmiyada Oromada soo martay lagu mitido oo aysan faraha ka bixin. 

Amxaarada 

Qowmiyadda Amxaarada waxay isku arkaan in sanado badan la siliciyey oo cadaadis iyo ciribta lagula taagnaa. Waxay la isbahaysi ku meel gaar ah la samaysteen Oromada si looga takhaluso Tigreega. Ururka Amhara Democratic Party (ADP) oo horay loo aran jiray Amhara National Democratic Movement (ANDM) wuxuu ka mid yahay xisbiga talada haya ee EPRDF. Sida Oromada oo kale ayuusan awood badan ku dhex lahay Xisbiga, balse ANDM iyo OPDO Waxaa fursad siiyey kacdoonadii ay dhallinyarada labada qowmiyadood hormuudka ka ahaayeen, kuwaasoo sababay in Hailemariam Desalegn is casilo, Abiy Axmed na la doorto. 

Ururka ANDM qudhiisa waxaa ka hoos kacay oo dhowaan abuurmay urur kale la baxay National Movement of Amhara (NaMA). NAMA waa dhadhaqaaq xooggan oo laga yaabo In uu dhowaan daaqadda ka saaro ANDM oo loo arko urur ka hoos shaqayn jiray Tigreega, maadaama ay EPRDF ka tirsanaayeen. 

Amxaaradu waxay kaloo halis u arkaan awooda Oromada oo sii xoogaysanaysa. Dhinaca kale, maadaama ay bartanka kaga jiraan Tigreega iyo Oromada dad iyo deegaana isku hayaan, Tigreega ma doonayaan in dhexda la gashado oo ay labadan qolo u heshiiyaan. Waxay ku jiraan feegijnaan dheellitiran. Kuwooda xag jirka waxay aaminsanyihiin in ay dhul ka haystaan qowmiyadaha Tigreega, Cafarta, Baniishangool ka iyo Oromada. 

Qowmiyadaha Koonfureed 

Ururka Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM) waa isku isbahaysi ay ku midoobeen qowmiyado kala duwan, maadaama ay Isbahaysi yihiin dhexdooda ayaa ishaya. Qowmiyadaha qaar ayaa doonaya In ay maamul gobolleed noqdaan. Waa tii uu Abiy Ahmed ku lahaa wiilka Uraagada ah maxaad ku falaysaa dawlad goboleed, Soomaaliya ayaadba u shaqa tagaysaa, isagoo ka wada waxaan balaarinaynaa Itoobiya. 

Loolanka aragtiyeed iyo masiirka Itoobiya

Tigreegu markii ay talada dalka la wareegeen 1991-kii oo ay meesha ka saareen nidaamkii Dergiga ahaa waxay la yimaadeen federaal qomiyado ku salaysan iyo nidaam dhaqaale ee ay u bixiyeen Developmental State, taasoo ah in dawladdu ay hoggaamiso horumarka dhaqaalaha gaar ahaan dhinaca qorshaynta maalgelinta, sharciga suuqa dhaqaalaha xukumaya, faragelinta dhaqaale iyadoo xoogga la saarayo warshadaynta. Waa nidaamkii Bariga Asiya ku soo caana maaleen oo nidaamka siyaasiga oo kali talis ah, laakiin dhaqalaaha uu Capitalism yahay.  

Tigreega haatan uma xiisa qabaan federaal ay dawladda dhexe awood badan leedahay sidii markii ay talada dalka hayeen ah. Waxay ka door bidayaan hannaanka Konfederaalka ah oo dawlada dhexe aysan faraha la gelin dawlad gobolleedyada, loona reebo awood aan sidaas u buurnayn. Waxaa sidaas la qaba Amxaarada iyo qaar ka mid ah qowmiyadda Oromada. Abiy Axmed qudhiisa markii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Kilinka Oromada sidaas ayuu aaminsanaa, laakiin hataan Waxaa la macaanaaday in dawlada dhexe ay awood badan yeelato. 

Tigreegu waa qowmiyadda keli ah ee aruursan, hoggaan iyo shacab isla socdaan, dhufays adag kaga jirta in la isugu tago. Qowmiyadaha kale khilaaf xooggan ayaa siyaasiyiintooda u dhexeeya. Amxaarada oo markii hore isbahaysi ahaayeen Oromada si meesha looga saaro Tigreega, haatan sidii hore maaha oo waxay doonayaan in haddii aysan boqor noqon karin ay Boqor sameeyaha noqdaan. 

EPRDF

Ururka EPRDF shirkii ugu danbeeyey ee uu yeeshay Waxaa la isku raacay in dib u habayn lagu sameeyo ururka. Waxaa kaloo ka isku raacay in ururka la balaariyo oo lagu soo daro qowmiyadaha kale sida: Soomaalida, Banishangoolka, Cafarta, Harariyiinya iyo Gambellaha. 

Abiy markii uu xukunka qabsaday wuxuu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo furfurnaan xooggan ka muuqato, laakiin waxaan weli laga wada hadal hawlaha lafdhabarka u ah xilliga kala guurka sida, dib u habaynta dastuurka, dimoqoraadiyeynta, hannaanka doorashooyinka iyo dib u habaynta garsoorka. Doodaha caynkaan ah waxaa ka soo dhex baxaya halka loo jihaynayo Itoobiya. 

Sida muuqata Abiy gacanta kuma wada hayo xooggaga siyaasadeed ee Oromada. Sidoo kale gacanta kuma wada hayo dawladaha gobollada, qolo kasta ama koox siyaasadeed kasta ajende iyaga u gaar ah ayey wadataa. Waxaa intaa dheer shaki la kala qabo. Ma jirto qowmiyad doonaysaa in dib loogu noqdo sidii Derg ahaan jiray oo ay Amxaarada awooda xogeeda magaca dawlada dhexe ku haysatay, ama sidii federaalka magaca ahaa, laakiin Tigreega ay xukunka dhabta ah iyagu haysteen. Ma sahlana in nidaam Dimoqoraadi ah oo tartan daah furan doorasho lagu kala helo uu haatan Itoobiya ka hirgalo, mana sahlana in sidii ay ahaan jirtay dib loogu celiyo. Ma muuqato In EPRDF sii jiri karto welina ma cada sida isbahaysiga siyaasadeed ee cusub u samaysi doonaan. Soomaalida fursad wayn ayaa halkan uga furan. Waase hadii talo wadaag iyo iskutashi dhexdeeda ah uu jiro.

Afwerki

Hoggaamiyaha Eritrea wuxuu guul u arkaa in TPLF oo ay isaga is hayeen talada laga tuuray . Inta badan Jabhadaha hubaysan ee Itoobiya la dagaala Waxaa xarun u ahaa dalkiisa sida OLF, ONLF, Ginbot 7 iyo kuwa kale. Afawerki qayb kama ahayn kacdoonka shacbiga ah ee ay dhallinyarada, sababtoo ah ma jecla kacdoonka caynkaas. Afwerki marna ma doonayo in Itoobiya ay sideedii hore ku soo noqoto taasoo uu u arko in ay halis ku noqoto jiritaanka Eritrea.  Dhinaca kale, waxaa culays siyaasadeed ka haystaa gudaha dalkiisa oo  ku dhowaad 300 oo kun oo askari oo qafaal iyo askariyeyn qasab ah lagu qoray ayaa furumaha dagaalka iyo kaydka ciidanka ahaa. 

Dhalinyaradaas waxaa lagu dagaal gelinayey cadawga Itoobiya oo doonaya In ay Eritrea laqaan. Su’aasha ugu wayn ee haatan hortaala Isaias Afwerki waa mar haddii cadawgii lagu cabsiinayey shacabka Eritrea meesha ka baxay, Itoobiyana ay isbeddashay xaggee lagu jihaynaynaa shacabka. Isbeddelka ka dhacay Itoobiya oo kale ayaa looga fadhiyaa in uu dalkiisa ka sameeyo oo siyaasada furfuro. Afwerki iyo Abiy way isku baahan yihiin, laakiin nin walba tiisa ayaa haysata. Abiy wuxuu u baahan yahay in Jabhadaha hubaysan ee Eritrea saldhiga u ah uu la heshiiyo, lana kala ilaaliyo Tigreega iyo Eritrea oo heshiiya, sababtoo ah waxay noqon karaan awood ama dawlad xooggan oo isaga iyo qowmiyada Oromada wiiqda. Afwerki wuxuu rabaa in Abiy u ololeeyo in cunaqabataynta laga qaado. Cunaqabatayn qaadista waxaan marka looga maarmin Soomaaliya oo ahayd sababta u Meles Zenawi ugu marmarsiyooday in Eritrea cunaqabataynta la saaro. Taas ayaana keentay in Farmaajo arrinkaas laga saxiixo oo marba dhinac loo wado. 

isbahaysiga Sedex Geesoodka ah

Waxaa muuqda in maalmahan durbaanka loo tumayo isbahaysi seddex geesood ah oo ay Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ku midaysan yihiin. 

Abiy Axmed oo dalkiisa marxalad kala guur ah oo adag ku jiro wuxuu doonayaa in uu hogaamiyaha Eritrea gacanta ku hayo si uusan carqalad ugu noqon ama caqabad u dhigin. Afwerki qudhiisa wuxuu doonayaa in uu marxaladdaan ka faa’iido oo cunaqabataynta laga qaado, hubiyana Itoobiya oo xooggan oo halis ku ah Eritrea aysan soo noqon. Waxaa kaloo dan wayn u ah in Dekedaha Casab iyo Musawac la maalgeliyo, daaqanadan ka saaraan Dekadaha Jabuuti, Berbera iyo Boosaaso. Waa nin Itoobiya aad u kala yaqaan, garan karana halka ay ka jilcantahay iyo halka ay halista kaga keeni karto. Wuxuu kaloo doonayaa in uu geeska geliyo il gaar ah ku eego Jabuuti iyo Suudaan oo ay si wayn isku hayaan. Waxaan la ogayn waxa uu Madaxweyne Farmaajo ka doonayo Isbahaysigan oo aan ka ahayn waxa ay taageerayaashiisa Facebook ku soo qoraan oo ah in maamul gobolleeyadii iyo Somaliland meel laga saarayo. 

Waan dood garawshiyo leh aa in shacabka uu  dhibsaday  habdhaqanka madaxda maamul goboleedyada oo Itoobiya ka dhex bixi jirin iyagoo dalwadda dhexe la xafiiltamaya. Runtii waa dood sharci ah. 

Dhinaca kale, waa in aan garawsanaa in aysan jirin cid kaaga sama falaysa waxay u aragto in uu yahay taagdaro istiraatiijiyadeed (strategic weakness) uu dalkaadu leeyahay. Waa laga yaabaa in si ku meel gaar ah lagaaga khafiifiyo, laakiin way adag tahay in abid lagaa joojiyo. Mar haddii arrinku sidaas yahay waxaa haboon in aad xalliso sababta keentay mushkiladda  intii aad baryi lahayd hoggaamiye dal kale. Waa in aad soo celiso kalsoonidii iyo is aaminaddii kuna qanciso kuwa talada kaala dhaxayso in in ay dhaqankaas ka waantoobaan. Tan kale waa in meesha laga saaro baahida loo qabo joogitaanka ciidanka Itoobiya oo haatan ammaanka Soomaaliya marti looga yahay.  Waa laga yaabaa in taaktikada  iyo farsamada isbedasho, laakiin waa hubaal in aysan Istiraatiijiyadu marna isbedelaynin. Ma la yaabayo in aan aragno Abiy oo Muuse Biixi ama madaxda maamul Goboleedyada qaabilaya, sababtoo ah ma jirto culays siyaasadeed uu fal celiskaada kaga baqo ama kaarar gacanta kuugu jira oo fal u dhigma ku samaayn karto. Waxay ka dhigan tahay in aad naxariistiisa  magan u tahaya

 Gobolka

Dawladaha Gobolka gaar ahaan, Suudaan, Jabuuti, Kenya iyo Uganda waxay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa Isbahaysiga seddex geesoodka ah. Sababtuna waxay tahay in aan la ogayn ujeedka dhabta ah ee Isbahaysiga ka danbeeya. Seddexda dawladood waxay kuwada jiraan IGAD. Waxaa kaloo la is waydiinayaa ma waxaa jira duul kale ee Gobolka ka baxsan oo gadaal ka riixaya Isbahaysigan? Haddii ay su’aasho HAA tahay maxaa dowladaha Jabuuti, Suudaan iyo Kenya looga reebay. Mise Isbahaysigu waa mid jilid ah oo caqabadaha hoggaamiye walba gudaha dalkiisa ka haysta kaga dhuumanayo? Mise waa mid dano ku meel gaar ah lagu xallinayey? sida cunaqabatayn qaadista Eritrea oo Abiy iyo Afwerki ayaa dano ku kala beddelanayey?.

Taasina waxaa xoojinaya in aanu Isbahaysiga qaabdhismeed iyo xoghayn maamul toona lahayn, wax dukumiinti ahna kama soo baxaan, hab-raac shaqo, iyo hannaan dabagalna ma laha. 

Maqaal uu daily Nation ku qoray 11-kii November Peter Kagwanja oo ah ninka ay u dhaxdo haweenayda wasiirka arrimaha debedda Kenya Monica Juma ayuu shaki wayn ka muujiyey ujeedka Isbahaysiga . 

Maqaalka uu cinwaan uga dhigay “Resurgent ethnic nationalism shaping geopolitics in the horn” ayuu Peter ku doodayaa in ujeedka Abiy Ahmed uu yahay in uu dhiso (Cushitic Alliance) Isbahaysi Kuushitik ah oo ay sal u yihiin Oromada iyo Soomaalida. 

Laakiin dadka wax ka qora ama u kuurgala arrimaha Geeska Afrika uma arkaan Isbahaysi sii tilaabsan kara marka la eego caqabadaha ku hor gudban gudaha iyo bannaankaba. Itoobiya waxay ku jirtaa xili gala guur oo caqabado badani haystaan, sidoo kale Eriteria waxaa soo wajahaya caqabado isbedel doon iyo nidaam beddelid ah oo gudaha kaga imaanaya, Soomaaliyana kaba sii daran. Wax wayn kama beddelna isbahaysigii dhicisoobay oo sanadkii 2002-dii lagu dhisay madasha Sanca (Sana’a Forum) oo ay isku bahaysteen Itoobiya, Yaman iyo Suudaan, markii danbana Jabuuti iyo Soomaaliya gadaal kaga biireen. Sanca Forum ujeedooyinka la mid ah kan haatan la sameeyey ayuu lahaa oo ahaa Iskaashi amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeed, keliya waxaa la doonayey in Eritrea lagu takoore oo geeska lagu geliyo. Waa laga yaabaa in kana la doonayo in Jabuuti lagu gacan bidxaynayo.

W/Q : Cabdiraxman Cabdishakuur

Wararkii ugu dambeeyey