Faalo: Weerarka lagu qaadey Godane oo abuuraya tartan awoodeed

Image

Khamiis, September 04,2014 [GO]- Gantaalihii ciidamada Mareykanka la beegsanayeen madaxa dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la filayaa in hogaanka ururkaan noqdo mid banaan islamarkaana khatar galin karta midnimadiisa tan iyo intii ay noqdeen xoog dagaal kula jira dowladihii isaga dambeeyey hogaanka Somalia iyo ciidamada ka socda beesha caalamka sideed sano ka hor.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtey Arbacadii la soo dhaafey in xeyn gantaalaha la hago ah la beegsadeen gawaari la filayey inuu la socdo hogaamiyaha Al-Shabaab Axmad Godane maalintii Isniinta uu ku dhintey, kaasoo ururkiisa isbaheysi ka dhexeeyey Al-Qacida islamarkaana fasaxey weerarkii lagu qaadey suuqa Wesgate ee wadanka Kenya.

Warbixin qarsoodi ah oo laga heley sirdoonka Mareykanka ayaa sheegeysa in fariin ku qoran afka Carbiga la isugu gudbiyey barta Twiter xuseyso in Godane dhintey taasoo weli la xaqiijinayo shaqsiyaadka kuwada hadlayey. Godane kama soo bixin baraha Twiter iyo Facebook inta uu weerarkaan dhacey, isagoo la filayey inuu u xaqiijiyo tageerayaashiisa noloshiisa iyadoo talaabadaan aalaaba qadaan xubnaha ururadaan xakuma marka ay ka badbaadaan weerarada Mareykanka. 

Ururka Al-Shabaab oo inta badan isticmaala barta Twiter iyo qaybaha kale ee saxaafada ayaan wax hadal ah laga maqlin tan iyo intii weerarkaanu dhacey taasoo cadeyneysa aamusnaatooda in ay baadi-goobayaan shaqsigii badali lahaa hogaamiyahooda la diley.

Ma jiro hogaamiye u sharaxan inuu badalo Ahmad Godane oo la rumeysan yahay inuu gacan bir ah ku xakumey ururkaan tan iyo intii uu taladiisa qabtey isagoo khaarajiyey xubno badan ee ka hor-yimid, dadka xeeldheerayaasha ayaa sheegaya raadinta hogaamiye cusub ay bilaabo karto dagaal u dhexeeya ururkaan, iyadoo dhinaca kale keeni karta koox kale oo khatar ah ka sii dilaacda.

" Ciidamadiina kala baxa Somalia ama u diyaar garooba dagaal dheeraada kaasoo horseedi kara bur-bur iyo barakac" sidaas waxaa yiri maalmo ka hor intii uu weerarka ciidamada AMISOM bilaaban Axmad Godane oo la rumeysan inuu jirey 40 sano.

Godane ayaa waxbarashadiisa ku soo qaatey wadanka Pakistan 1990 isagoo uga sii gudbey wadanka Afganistan halkaas inta badan afkaarta uu ku shaqeynayey ka soo qaatey.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa badaley Aadan Xaashi Cayrow oo sanadkii 2008 dowlada Mareykanka ku dishay Gantaal lala beegsadey isagoo ku sugan gobolka Galguduud.

" Waa fikir ku saleysan aaminsanaan lagumana dhmaeystiro karo qof laga dilo kooxdaan' sidaas waxaa yiri  Aadan Bihi oo ah odey ku nool gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo ay ku xoogan tahay kooxdaan.

Hogaan cusub deg-deg laguma dooran karo 

Waxaa sababtu tahay madaama Ahmad Godane meesha uu ka saarey golihii dooran lahaa hogaamiye cusub, nidaamkaas ayaa lagu xushey hogaamiyahaan kadib markii Aadan Cayrow meesha ka baxey.

Dadka u kuurgala arrimaha ururka Al-Shabaab ayaa aaminsan in habdhaqankii Godane uu ahaa midka dagaal oogayaahsa oo kale kuwaasoo khaarijiya ama meesha ka saara dadka badali kara.

Kuma jiro qof kaliya oo badali kara Ahmad Godane hogaanka ururkaan sidaas waxaa yiri Jarle Hansen oo ah khabiir u dhashey wadanka Norway kaasoo wax ka qora hab-dhaqanka kooxahaan Jihaad doonka ah. 

Hogaamiyaha ururkaan ayaa sidoo kale lagu eedeyn jirey in xilalka sare ee Al-Shabab gacanta u galiyey xubnaha reer Somaliland ah halkasoo asal ahaan uu kasoo jeedey, Godane ayaa diidi jirey in caadifadaha qabiilka qayb ka yahay isagoo arimahaan dartood xabsiyada u dhigey xubno ka hor-yimid.

"Waxaan la ankiri karin in Ahmad godane uu balaariyey ururka Al-Shabaab isagoo gaarsiiyey iney weeraraan goobo ka baxsan Somalia" sidaas waxaa yiri Keneth Menkhaus oo ah khabiir Mareykan ah oo ku xeel dheere arrimaha geeska Afrika.

Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal kula jira dowlada Federaalka, ciidamada AMISOM iyo maamulada ka jira Somalia sida Puntland ayaa la filayaa in dagaalkooda wadi doonaan waqtiga dhow.

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM

Bogagii ay Dowladda Soomaaliya ka xirtey AS oo hawada kusoo laabtey

Barahan ayaa waxa ay isugu jiraan websites iyo akoono dhanka baraha bulshadda ah.

  • Warbixino

    16-03-2024

  • 07:11AM