Xaqiiqda Dhabta ah ee Doorashada Puntland 2019

Image

Sida caadiga ah hadeeysan suuragal aheyn oo aan la diyaarin habka doorasho ee hal cod iyo hal qof, looguna gudbin habka xisbiyadda badan oo ay ku xeeran yihiin waxyaabo aan suurtagal ka dhigeynin in la gaaro doorsho shacab waqtigaan.

Waxaa markaas laga fursaneeyn in la raaco habkii hore ee lagu dooran jirey golaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxwene ku-xigeenkiisa (The background election of Puntland).

Hadaba waxaa jira laba guddi oo muhiim u ah doorashadda Puntland sida ku cad habraaca doorasho ee Puntland waxayna kala yihiin;

1) GUDDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA IYO ANSIXINTA BAARLAMAANKA

Gudigaan waxaa la dhisaa inta aan la soo xuliin shaqsiyaadka ka mid noqon doona xubnaha baarlamaanka, ee ay soo saxiixi doonaan isimadda Puntland (Beel walba isimkeeda baa leh saxiixa uga mid noqoshadda xubinta baarlamaan ee beeshaas).

Waxaana soo wada xula gudigaas Madaxweynaha markaas taladda haya iyo musharaxiinta u tartameeysa xilka madaxweyne, iyagoo ku keenaya ogol- talowadaag ah ayna isku afgarteen. Dabadeedna waxay u keenaan Isimadda soo jireenka ee Puntland,kuwaasoo siiya saxiixa ogolaanshaha gudigaas.

Hadaba shaqadooda ugu muhiimsan waxay tahay in ay xaliyaan, hubiyaan wixii khilaaf ah ee markaas ka jira xubnaha lasoo xuley, sida hadeey isku qabsadaan laba xubnood hal boos, oo kale in ay hubiyaan qofka saxda ah ee isimka saxiixiisa dhabta ah wata, iyagoo ka hubinaya isimkoodii, si aan loo abuurin saxiix been ah.

Tiradda ay gudigaasi noqonayaa labadaas qolo baa ku heshiineeysa inta badanse waa (7-11 xubnood oo leh gudoomiyahooda).

2) GUDDIGA DOORASHADDA PUNTLAND

Guddigaan waxaa la dhisaa marka lasoo doorto xubnahaa golaha ee baarlamanka(66 xubnood) ,marka hore guddiga baarlamaanka baa iska dhexdoorta gudoomiye baarlamaan iyo labo gudoomiy-kuxigeeno, ka bacdi ayaa gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisu, golaha barlamaanka dhexdiisa ka magacaabaan guddiga doorashada Puntland (waana 5 xubnood oo leh gudoomiyahooda.

Guddigaasi waa kan habraaca doorasho soo diyaariya ee ay ku shaqeeyaan ilaa ay ku dhawaaqaan madaxweeynaha la doortey,halkaas beeyna shaqadoodu ku egtahay oo ku dhamaataa wixii ka dambeeyana waa xubno baarlamaan oo keliya. (ogow xubin baarlamaan hadeey gasho golaha fullinta,waxay waayeysaa booskeedii xubunimo).

IFTIIMIN:

Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashadda Puntland (TPEC),ee ay dowladda Puntland dusha u saartey in ay yihiin kuwa qabanaya doorashada Puntland ee 2019-ka, waa guddi ka duwan hab doorasheedka hadda lagaga dhaqmo Puntland, shaqadiisuna waa mid ku qeexan habka xisbiyadda badan ee hal cod iyo hal qof, waxayna ku kala duwan yihiin;

a) Waa guddi ku meelgaar ah oo aan rasmi ahayn,

b) Shaqadooda ugu weeyni waa qabashada doorashooyinka dowladaha hoose/heer deegaan, oo ku qabsoomeeysa hab xisbiyeed,

c) Waxay kala saarayaan ururadda noqon doona ee usoo gudbaya xisbiyo QARAN, ka dib qabsoomidda dowladdaha hoose ,

d) 3 xisbi qaran markeey helaan CERTIFICATE xisbinimo,wixii ka dambeeya gudiga kumeelgaarka ahi shaqadoodii waa dhamaatey,

e) Ka dibna 3da xisbi qarameed ayaa dooranaya gudiga rasmiga ah ee doorashada,iyagoo ka keenaya mid tiro isle’eg.


Qoraalkan waxa uu gaar u yahay qoraaga magaciisa ku qoran, kama tarjumayo Siyaasadda Garowe Online.

Wabillaahi Towfiiq.!!

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM