Yusuf Haid: Soomaalida 2018ku ma tii 1918kaa ?

Fikradaha
By Yusuf Haid

Soomaaliyada 2018ku waxay u egtahay Soomaaliyadii 1918kii. Dhulka Soomaaliyeed, wixii ka horeeyay 1960kii, waxa khasab ku haystay Isticmaar reer Yurub oo ka danaysta. Isticmaarku wuxu dalka u soo dirijiray nin eey wata oo intu Soomaalida hayimiyo ku shaqaysa. Waxa isticmaarku carbbin jiray dad Soomaali ah oo u magacyo bixiyo (Chief caaqqil, caaqil, kaabo, Jawaab Daar,boy, karaani,) oo  dadka ka xigsada.. Wuxu si gaar ah u dhaqaalayn jiray dadka uu ku shaqaysto oo u carruurtooda waxbarasho asaasi ah (basic literacy) siin jiray si ay ugu noqdaan karaaniyo xukunkiis dadka gaarsiiya, cashuurtana u soo ururiya. Wax adeega oo macno leh isticmaarku ma bixin jirin xitaa marka ay dhacaan abaaro lagu hoobto, sida abaartii Siigo-Case oo dhulkii Ingrrisku guumaysan jiray ka dhacday 1950-yadii.

Isticmaarkii Ingriiska waxa ka cadawsanaa kii Talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya xukumay oo isagu dadka adoomiyay (enslaved) . Maalintii waxa dadka lagaga shaqayn jiray beeraha, habeenkiina sida digaaga baa lagu xarayn jiray shabaqyo si ayan u baxsan. Waxa kurbo ku qabanaysaa markaad akhrido gumaysigii Talyaanigu marka roob da’o dadka dhulka jiifinjiray oo ku dul socon jiray si aan kabhiisa dhiiqadu u taaban. 

Labadaba waxa ka qafal xumaa kii Xabashida iyo Faransiika. Gumaysiga Xabashidu markay u soo baxaan ‘qadhaabka’ ee ay dhacayaan Soomaalida (Zamaja) iyaga ah oday baqal saran iyo boqolaal cago cad oo garab ordaaya, markay haweenka iyo carruurta ay qafaashaan, duqayda reeraha ay ku jiraan culimadu waxay ku khasbi jireen inay xeryaha  xoolaha ku soo wareegaan iyaga gurguuranaya.

Maantana xaaladu waxay u egtahy tii waagii isticmaarka marka aad u fiirsato qolyaha Nairobi inaga maamula iyo KEATING UNka oo kolba madax ku sheeg kolba goob amar ku siinaya. Waa caddahay in ay dalka dusha ka haystan shisheeye isku magacaabay Beesha Caalamka (International Community) oo ay u shaqeeyaan kumanyaal ajnabi ah oo deggan Nairobi oo dalkenii u bedelay XERO QAXOOTI. Waxa dalkeenna ka suulay  waxbarashadii carruurteenna, daryeelkii dadkeenna iyo dhammaan adeegyadii kale ee bulshadu u baahnayd. Dhaqankii iyo wax kasta oo Soomali gaar u ahaa, waa laga guuray. Dalka hawl ka socda oo soo kabasho ahi ma jirto. Waxa lagu hawlan yahay seddex arrin oo kala ah: GUDNIINKA FIRCOONIGA, KUFSIGA HAWEENKA IYO XAQUUQDA DUMARKA kuwaas oo diinteenu xal cad u hayso. Wax kabasho ah ama horumar ah oo dalka ka socda lama maqlo. 

Xaaladu waxay u egtay tii dalku ku sugna markii Yurub xukumaysay. Sannadkii 1918kii, Isticmaarku saraakiisha u dalkeenna uu u soo diro, waxay xaasaskooda iyo carruurtooda kaga iman jireen Yurub, dhowrkii biloodbana wey soo booqan jireen. Maantana dadka dalkeena ka taliyaa reerahoodu waxay badankoodu degganyihiin dalal Kenya ka mid tahay, Yurub iyo Amerika, iyo qaarado kale. Sannadadii 1918kii reer Yuribkii dalka imanayay hantida ay dalka  ka shaqaystaan waxay u diri jireen dalalkooda; maantana madaxdeena intooda badan waxay waxyaabaha ay ku heelaan siyaabo laga qurux badanyahay,  waxay u diraan dalalkay ka yimaadaan. 1918kii madaxda  isticmaarku may dhaafi jirin caasimadaha iyo magaalooyinka waaweyn. Maantana madaxdeennu inta badan ma dhafaan magaalooyinka waweyn. Marka waxa la oran karaa nolosha iyo siyaasadda taalay Soomaaliya 1918kii, waa 100 sano ka hore, iyo tan maantu wax badan ma kala foga.

Dalal badan bey haleeshay dhibaatada Soomaaliya ka dhacday mid la mid ahi. Waxa dalalkaas ka mid ah Liberia, Ivory Coast, Rwanda, Syria, Iraq, Yemen, Libya, iyo kuwo kale oo badan. Dalalkaas midna UNku uma samayn maamulo ka taliya oo deggan meel ka baxsan dalalkaas. Haddii aan marka ogolaanay in debeda laynaga maamulo oo madaxdeenna cidii doontaaba farta ugu yeerto, maxa diidaya in dalkeena la qaybqaybiyo oo dalalka dariska lagu daro? 

Marka aan soo koobno dadka dalka maamula iyo kuwa dalka kor ka haysta ee Hay’adaha caalamigau, waxaad mooda inay isfahmeen. Hase ahaate, waxa qurabajoogta dalka maamusha u baahantahay inay fahmaan dadka ay u taliyaan ee degal joogta ah oo aan iyagu aqoon Soomaliya wax ka baxsan. Waa in si dadkaas dhaqankooda waafaqsan wax loola socodsiiyo oo loogu adeego ee aan laga shaqaysan. Sidu ku taliyay qoraagii weynaa ee OUSMANE SEMBENE,” Waa in madaxda iyo aqonyahanadu ayan iyaguun  dhabarka isu xoqine ee ay talada wax ka siiyaan degal joogta.”

W/Q Yusuf Haid


Prof: Yusuf Maxamad Haid waxaa uu kasoo shaqeeyey Radio Muqdisho, Director kasoo noqdey Talifishinkii qaranka Soomaaliya, waxaa uu jaamacada St Louis ee ku taal cariga Mareykanka ka bartey culuunta saxaafada, hadda oo uu shaqada ka fariistey waxaa uu casharo ka bixiyaa jaamacado ku yaal dalka Soomaaliya.