Halganka xanuunka badan ee dhamaadka aan lahayn ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad 12-sano illaa iyo hadda, Soomaaliya ayaa la-kacaakufeysa in ay ka wiiqdo Al-Shabaab, xoogaga gacansaar la leh Al-Qaacida oo doonaya in ay cagta mariyaan xukuumadda Muqdisho.

Tan iyo 2006-dii, dowladda ayaa la dagaalameysa kooxdan wali ku xoogan qeybo kamida dalka. Inkastoo ay ku xoogan tahay bartamaha iyo koonfurta, dowladda federaalka iyo xulafeeda ayaa ka xoreeyay degaano muhiim ah.

Balse xilli ay jirto halista Al-Shabaab, Soomaaliya ayaa hadda xusul-duub ugu jirta xakameynta safmareen ah halis ah; Coronavirus, oo si fudud ku faafaya isla markaana carqaladeyn kara dib-u-dhiska dalkan dhaca Geeska Afrika.

Muddo bil ah gudaheeda markii Soomaaliya ay soo warisay kiiskii koowaad ee Covid-10, tirada waxay ku korortay si baahsan, taasoo ka dhigtay dalka labaad ee uu sidda ba'an u sameeyay kadib Kenya.

Soomaaliya ayaa Isniintii xaqiijisay 286, halka Kenya soo warisay 303. Jabuuti waxay kiisaska ku dhow yihiin kun, sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Illaa iyo haatan, 14 qof ayaa dalka ugu geeriyootay cudurka. Waxay kala siman tahay Kenya, balse ka duwan Tanzania iyo Uganda, kaliya afar qof ayaa Soomaaliya kasoo kabtay xanuunka markii ay gudaha ku qaadeen.

Maalmaha soo aadan tiradda aad ayay u kordhi kartaa. Nidaamka caafimaadka ee waddanka ma ahan mid si dhab ah u shaqeynaya, mana sameyn karo tijaabooyin badan, sidda ay xuseen culimadda caafimaadka ee maxaliga ah.

Si looga baaqsado faafitaan dheeri ah, dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa joojisay duulimaadyada gudaha iyo dibadda, waxbarashadda si lamid ah bandow habeenkii oo caasimada Muqdisho la saarey.

Wallow ay jiraan arrimahaan, caasimadda dalka waa meesha laga soo sheegay kiisaska ugu badan oo ah 128. Iyaddoo bandowga habeenkii uu dhaqan-galay, maalintii nolosha waa caadi, taasoo adkeysay in dadku kala fogaadaan.

Sidda ay sheegtay Waaxda Caafimaadka, fayruska wuxuu hadda ku faafayaa dadweynaha, taas oo ka dhigan in dad aan safar gelin ama aan wax xiriir ah la yeelan bukaan uu soo ridanayo, waxayna xoojisay walaaca iyo cabsidda.

Inkastoo Qaramada Midoobay ay ku baaqdey xabad-joojin caalami ah, Al-Shabaab ayaa sii wada weeraradeeda naxariisdarada ah ee ay ku beegsaneyso shacabka iyo laamaha ammaanka.

Bishii hore, in ka badan 100 xubnood oo Al-Shabaab ah oo ay ku jiraan odayaal dhaqameedyo, xirfadlayaal iyo xubnaha mitidiinta xumaanta ku caan baxay ayaa qabtay shir ay kaga hadleen arrimo uu Covid-19 kamid yahay.

War-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku qireen halista caabuqa, balse ma aysan balanqaadin in ay shaqaalaha caafimaadka u fasixi doonan degaanadooda si ay uga hortagaan faafitaanka cudurka dilaaga ah.

Ururka wuxuu u arkaa cudurka in uu ku yimid "caro" ka timid EBBE; kuna ciqaabayo dadka aan Muslimka ahayn kuna tijaabinayo Muslimiinta.

Kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa hoos u dhacay mudadii ay colaaduhu socdeen. Sidda laga soo xigtay Global Health Security Index, dalka wuxuu ku jiraan kaalinta 195 guud ahaan caalamka.

Intaas waxaa wehlisa, ma lahan sariiro caafimaad oo loogu talagalay daryeelka deg-deg ah. Si lamid ah, ma haysto qalabka dadka ka caawiya neefsashada Ventilator kaas oo muhiim u ah bukaanada uu soo rito Coronavirus.

Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Mareykanka ayaa ku taakuleeyay qalabka tijaabada iyo agab kale oo caafimaad, balse hal ama laba sheybaar oo lagu baaro ayaa dalka yaala, sidda ay wararku tibaaxayaan.

Waqti xaadirkaan, ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM iyo milatariga Mareykanka ayaa maleeyshiyaadka kula diriraya koonfurta iyo bartamaha, wallow uu jiro Coronavirus. Midkood diyaar uma aha hakinta.

Isniintii, xoogaga hubeysan ayaa gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay todoba askari. Balse, ciidamada huwanka ah afarta bilood ee sanadkan 2020 waxay duqeyn ku khaarijiyeen 60 Al-Shabaab, sidda uu wariyey taliska AFRICOM.

Ciidamadda Difaaca Kenya ayaa isla Isniintii gudaha Jubada Hoose weerar gaadmo ah kala kulmay dagaalamaeyaasha. Sidda ay qeexayaan warar horudhac ah, mitidiinta waxay isku dayeen in ay beegsadaan saldhig ciidan.

Dalal yar ayaa u diyaar-garoobay ka hortagga safmareenkan caalamiga ah. Hase ahaatee, Soomaaliya kuma jirto. Siyaasada iyo ammaanka dalka ayaa xitaa u ogolaaneyn in uu u diyaar-garoobo dhibaato noocaan ah.

“Soomaaliya waligeed ma aysan wajihin halista sida Coronavirus ah; sidoo kale ma lihin awood aan uga hortagno masiibada mana haysano awood aan uga gudubno saameynteeda dhaqaale ee ba'an, gaar ahaan markii kalabar shacabka ay u baahdeen taageero dibadeed si loo badbaadiyo, " siddaas waxaa yiri Cabdirashiid Xaashi, agaasimaha machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Marka laga yimaado magaalooyinka, dhulalka miyiga ah dadka aad uguma baraarugsana xanuunka. Dowladda waxay u baahan tahay in ay dirto dad degaanka ah iyo odayaal dhaqameedyo si ay arrintaas ula tacaalaan.

Soomaaliya ayaa dhowaan laga cafiyey qeyb ka ah deyntii uu caalamka ku lahaa, waxaana ay heleysaa 14 milyan oo ah taageero maaliyadeed, taas oo lagu caawinayo wadamada soo kororaya si ay uga takhalusaan Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM

Maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya: Isku-daneysi mise macaash raadin?

Maalgelinta Ankara ayaa si gaar ah u beegsatay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

  • Maqaalo

    21-04-2024

  • 06:11AM