Nooca dhiigga "Blood Group" ee u nugul Kansarka

Image

DARAASAD - Waxaa jira xiriir ka dhexeeya nooca dhiigga ee qofka iyo suurtagalnimada inuu kansar ku dhaco, daraasad ay dhowaan sameeyeen aqoonyahanno Iswidish ah ayaa sidaasi lagu sheegay.

Saynisyahanno ka socda Machadka Karolinska ee dalka Sweden ayaa qiimeeyay oo falanqeeyay xogta in ka badan hal milyan oo qof muddo 35 sano ah, iyagoo u kuur-galaya nooca dhiiga u nuqul Kansarka iyo kuwa iska-difaaca.

Natiijooyinka la helay daraasadda kadib, ayaa muujinaya in shakhsiyaadka nooca dhiigoodu yahay “0”, in badan ayey iska difaacayaan xanuunka dilaagga ah ee kansarka.

Daraasadda ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in kuwa nooca dhiigoodu yahay “A” ay halis sare ugu jiraan kansarka, gaar ahaan midka ku dhaca caloosha.

Dadka blood group-koodu yahay “B iyo AB” ay u badan tahay inuu asiibo kansarka beeryaraha ama ganaca, oo 6-inji ah xubin ku taalla qeybta dambe ee caluusha, oo ka qeyb qaadata dheefshiidka iyo isku dheella-tirka sonkorta jirka ku jirta.

Saynisyahannada ayaa sheegay in samaynta burooyinka kansarka ay badanaa sababaan qamriga, sigaar iyo dawooyinka loo isticmaalo bararka.

Kahortaga kansarka: 7 talo oo kuu muhiim ah

1. Ha isticmaalin tubaako, nooc kasta
2. Ka ilaali jirkaaga qoraxda xad-dhaafka ah
3. Cun cunto caafimaad leh.
4. Ka digtoonow inuu hoos u dhaco miisaankaga, sidoo kalena samey jir-dhis joogto ah.
5. Qaado talaalka HPV iyo midka cagaarshow-ga [Habitatis]
6. Hel daryeel caafimaad oo joogto ah.
7. Baro taariikhda caafimaad ee qoyskaaga, sidoo kalena sameeya baaritaan joogto ah xanuunka kansarka.

Kansarka waa mid kamid ah xanuunada dilaaga ah ee aan daawada lahayn, waxaana uu ku badan yahay dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka oo la sheegay in lixdii qofbka ee dhimata mid uu u geeriyoodo kansarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisada Dastuurka oo laga digay in Soomaaliya ay ku celiso burburkii 1991-kii

Puntland ayaa ka gadoodey in ay badalka Dastuurka oo ay sameysay dowladda Xasan Sheekh.

  • Maqaalo

    08-04-2024

  • 08:27AM

Biloowgii sheeko faneedka Afsoomaaliga iyo Dr. Mohamed Daahir Afrax

Dr. Afrax wuxuu kaalin firfircoon ka qaatay arimaha bulshada, dhaqanka, siyaasada iyo dib u dhiska dalka.

  • Maqaalo

    03-04-2024

  • 01:39PM