Sidda DF iyo maamulada labinta uga heli karaan dagaalka Al-Shabaab

Image

FAALADA WARARKA | Ururka Al-Shabaab ee fadhigiisu yahay Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu la kulmayey dhabar-jabyo culus, balse waxay u muuqaneysaa in ay sii wadaan cawaaqibka dhiiladda wata.

Todobaadkan, guddiga khubarada UN-ka ee Soomaaliya oo warbixin daabacay waxay ka digeen in kooxdu wali khatar ku tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka, wallow ay guluf kala kulmeyso AMISOM, ciidanka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Guddiga ayaa wuxuu ku dooday in Al-Shabaab ay isku haleyneyso dakhli uruurinteeda iyo ku dhex-milinka hay'addaha dowladda iyadda oo ka faa'ideysaneysa laamaha xukuumadda ee awood ahaan liita.

Nidaamkeeda "moor-yaanimada ee uruurinta lacagta baadda ah", waa tusaalaha ugu fiican taas oo ay u suurogelisay unugyo ay ku dhex-beeratay mas'uuliyiinta marsadda Muqdisho si ay u hesho macluumaadka adeegyada soo degga.

Taas waxay u adeegsataa in ay "canshuur" ka qaado ganacsatada si lamid ah in ay ku difaacdo lacagaha badda ah ee ay qaadato.

Intaas waxaa wehlisa in kooxdu beegsato fursadaha ay seegeen hay'addaha dowladda sida u cadaalad falidda muranada dhulka, taageerida caruurta iyo heshiisyadda ganacsi ee nidaamsan.

"Awood ayey u leedahay in ay bixiso adeegyo sida garsoorka, oo loo aado dhulalka Al-Shabaab ee aysan gaari karin hay'addaha dowladda," sidaas waxaa soo qoray xeel-dheere arrimahaan tixliiliya.

"Iyadda oo nidaamka cadaalada dowladda uu yahay mid qiimo ku fadhiya oo dabadheeraadaa lana saadaalin karin, dhinacyadda doodsan waxay door-bidaan in ay u kala dab-qaado Al-Shabaab markay dul isku qabsadaan".

Sanadihii u dambeeyay, Al-Shabaab oo "si aan horey loo arag" u kordhisay isticmaalka qaraxyada ay ku beegsato xarumaha dowladda waxaana sidoo kale dhiig-joojin u noqday khilaafka joogtada ah ee dowladda iyo maamuladda.

Koonfur Galbeed, tusaale ahaan, rabashado ayaa ka dhashay markii hogaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur laga mamnuucay in uu u tartamo doorashadda Madaxtooyadda.

Doorashadda kadib waxaa kusoo baxay Cabdicasiis Maxamed [Lafta Gareen], balse iyadda oo ay meesha ka maqneyd wada ogolaanshiyo, waxay keentay laaluush, dib u dhacyo iyo farogelinta dowladda iyo Itoobiya.

Tani miyey Al-Shabaab fursad u siisey in ay fidiyo garbaheeda? Malaha, iyadda oo sheegashooyinka farogelinta ay ka jireen Puntland iyo Jubbaland, mas'uuliyiinta federaalka laadka way la haleeli waayeen kubada [Banooniga].

Hardanka ugu badan wuxuu ka jiraa Galmudug, halkaas oo beelaha taageersan Ahlu Sunna ay u doodayaan wax ay ugu yeereen "soo celinta awood qeybsiga ay laadey dowladda federaalka ah".

Iyadda oo siyaasiyiinta Soomaaliya wali ku doodayaan in Al-Shabaab wali khatar ku tahay gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, haddana taas waa nidaamka dowladnimo ee wadanka la qabsaday.

"Waa aalad xun oo loo adeegsato in Soomaalida looga hor istaago horumarka iyo in ay sarre u qaadaan noloshooda," Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble yiri, oo coksadey dooda ku saabsan federaalka ama dowlad dhexe.

Balse mudanaha oo ah gudoomiyaha Guddiga arrimaha dibadda Golaha Shacabka, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay u ogolaatay Al-Shabaab in ay dib boorka isaga jafto xoojisana nidaamka garsoorka si bulshada u soo u hantido.

"Waa xaqiiqo, hogaamiyeyaasha haatan jira [waxay] ku fashiyeen in ay isa saxaan ayna dib u habeyn ku sameeyaan nidaamka garsoorka".

Mahcadka EACRSS ayaa daraasaad uu sameeyay ku sheegay in bixinta "adeegyadda aas-aasiga ah" ay Al-Shabaab u fududeysay in ay iska gedaan bulshadda, taas ayaana adkeyneysa in la ciribtiro.

"Awooda Al-Shabaab ee u dhowaanshiyaha bulshadda ayaa si wax ku ool ah waxay ugu dhex-mishay dakhli uruurinta dowladda, taas oo badi u adeegsato awood iyo khasab si ay lacag iyo canshuur uga hesho ganacsatada".

Daraasadda machadka oo todobaadkii hore soo baxday ayaa ku dartay: "…waxay uga badaleyneysaa [lacagta baadda] bad-qabkooda".

Hagaajinta nidaamka garsoorka ee burburay, dhismaha maxkamado, helida garsooreyaal, dhismaha ciidamo ammaan iyo qalabeyn-tooda, waa qorshaha kala guurka ee AMISOM ay dalka kaga hayaamayaan 2021.

Guddiga Khubaradda Qaramada Midoobay ayaa, sikastaba, wuxuu shaki ka muujiyey hadii AMISOM ay dhaqan-gelin karaan qorshahan oo Soomaaliya ku hagaya 2021 doorasho u qabsoonto qaab caalami ah.

Qayb kamid ah mushkiladaha, nuq-deeyeyaasha waxay rumeysan yihiin, in ay tahay Dastuurka qabyadda ah oo aan tilmaameyn ama xadideyn shuruucda dowladda federaalka iyo maamlada xubinta ka ah.

"Uma maleynayo taas," waxaa sidaas ku doodey Cabdimaalik Cabdullaahi, oo ah baare madax banaan oo siyaasadda Geeska Afrika ka faalooda, isaga oo meesha ka saarey in Al-Shabaab curyaamin karto nidaamka federaalka Soomaaliya.

"Wiilahaas waa kuwa daciif ah marka laga hadlo rasaasta iyo awooda. Kaliya waxay ku nasiib badan yihiin in mas'uuliyiinta aysan dhab ka ahayn in ay iyagu saaraan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Balse wuxuu qiray in Al-Shabaab ay tahay dhibaato adag oo hogaamiyeyaasha looga baahan yahay in ay isku-kaashadaan, halkii ay xargaha isugu qabsan lahaayeen dano shaqsiyadeed.

"Waxaan qabaa in hub ka dhigis lagu sameeyo intii awood ciidan loo adeegsan lahaa. Aad bey u adag tahay, waxay u baahan tahay madax degan oo dejiya iyo mas'uuliyiinta Soomaaliya oo kaashanaya caalamka oo ay ka go'an tahay".

Madaxda degan, marka ugu horeysay, waa in ay fadhiistaan oo ay dejiyaan sharci cusub, kaasoo hagaya shaqadda maamuladda.

Sidda laga soo xigtay Guddiga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, maamuladda qaarkood ayaa lacago kaash ah ka hela hay'addo shisheeye, si ay ula galaan heshiisyo, ama saaxiibo aysan jeclaysan xukuumadda Muqdisho.

Maadaama uusan Dastuurka qabyadda si toos ah u mamnuuceyn dhaqdhaqaaqyadan noocaas ah, waxay la macno tahay in gobol walba ay u fududahay in uu haysto siyaasado is-diidaya oo arrimaha dibadda iyo difaaca ah.

Sidda ku cad hal baaritaan oo la sameeyay, xubno kamid ah Al-Shabaab ayaa la qabtay iyaga oo wata hub ay geeyeen maamul goboleed, waxaana jirta suurogalnimadda in lagu keydiyey god dhulka hoostiisa ku yaala.

Markii guddigu wareystay mas'uuliyiinta AMISOM, waxay walaac ka muujiyeen in qorshaha kala guurka uu wiiqo fashilka dowladda ee u daabulitaanka ciidamo goobaha ay ka baxayaan AMISOM taas oo faa'iido siisey Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kororka weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan: Dayac mise fashil sirdoon?

Waa weerarkii todobaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

  • Maqaalo

    27-03-2024

  • 05:16AM

Askar calooshood-u-shaqeystaal ka howlgala Soomaaliya oo la dhisayo

Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay inuu yagyeelayo guutadan ciidan oo ka kooban 3,000 askari.

  • Maqaalo

    16-03-2024

  • 08:42AM