Booliska UK oo ku raadjooga Soomaali lagu eedeeyay dilka haweenay

Image

LONDON, UK – Laamaha ammaanka Ingiriiska ayaa u gaarsanaya shaqsi Soomaali ah, kaasi oo looga shakisan yahay in uu geystay dil sanadkii hore ka dhacay magaaladda Cleethorpes.

Falkaasi ayaa waxaa lagu khaarijiyey Shaun Lyall, oo ahayd haweenay 47-jir, taasi oo kiiskeeda uu ruxay wadankaas.

Booliska ayaa dadweynaha ka codsadey in ay kusoo war-geliyaan hadii ay arkaan Cabdi Cali, oo 29-sano jir ah.

Talaabada ay ciidamada ku doon-doonayan Cali ayaa ka dambeysay markii gacanta lagu soo dhigay ruux kale oo la tuhunsan yahay.

Craig Whittle, oo 45-sano jir ah, ayaa lagu soo eedeeyay in uu caawiyey Cabdi Cali, kaasi oo aanan la ogeyn goobta uu ku sugan yahay.

Warbixinta bileyska ayaa lagu xusay in uu ku dhuumaaleysanayo midkood magaalooyinka; Sheffield, London, Lancashire, South Yorkshire, Merseyside, Manchester, Milton Keynes, Lincolnshire iyo Cleveland.

Dacwadda uu sidoo kale wajahayo Cali ayaa waxaa kamid ah; isku day waxyeelan shacab, u adeegsashada Toorey meel bulsho ah iyo dhoofinta maandooriye.

Soomaalida ayaa kamid ah Jaaliyadaha ugu badan ee ku nool Britain, halkaasi oo ay tageen kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii, kaasi oo haatan ay muuqato in dalku kasoo kabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM