Pakistan: 20 qof oo ku dhimatey weerar lagu qaadey Jaamacad

Image

Labaatan qof ayaa lagu diley Jamaacad ku taal woqooyiga dalka Pakistan kadib markii koox hubeysan xoog ku galeen dhismahaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Taliban ayaa sheegtey mas'uuliyada weerarkaan lagu qaadey Jamacada  Bacha Khan ee ku taal magaalaa Charsadda gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Weerarkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmey 50 ruux oo isugu jira macalimiin iyo ardey. 

Sarkaal sare oo ciidamada amniga u hadley ayaaa sheegey in lix saac kadib gacanta dib ugu dhigeen Jaamacadaas iyagoo ku diley halkaas ku diley 4 nin oo hubeysan. 

Maaha markii ugu horraysay dalka Pakistan la weeraro goob waxbarasho, sannadkii 2014 bishii December ayay ahayd markii la dilay 134 ruux kadib markii dablay weerartay Iskuul ciidan oo ku yaalla Waqooyiga Pakistan gaar ahaan magalada Peshawar.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM