Aabaha dhalay Ilhaan Cumar oo u dhintay safmareenka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Aabaha dhalay Ilhaan Cumar ayaa u geeriyooday Coronavirus, sidda habeenimadii Isniinta ay shaacisay haweenaydan gobolka Minnesota ku metesha Congress-ka dalka Mareykanka.

"Anigoo dareemaya tiiraanyo xanuun iyo murugo badan, waxaan idilna wadaagayaa in Aabahey Nuur Cumar Maxamed uu u dhintay Covid-19," ayay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.

Waxay hadalkeeda raacisay: "Ma jiro erayo aan ku qeexi karo waxa uu aniga iiga dhignaa iyo dhamaan dadka garanaya isaga".

Sidda laga soo xigtay The Guardian iyo New York Times, Ilhaan waxaa soo koriyey Aabahey iyo Awoowgeeda caruurnimadeeda.

Sanadkii 1995-tii ayay qaxooti ahaan ku tageen Mareykanka iyadda iyo Aabaheyd kadib markii ay Soomaaliya uga qaxeen dagaaladii sokeeye. Minneapolis waxay ahayd meeshii ugu horeysay oo ay dageen.

Ilhaan ayaa dib-u-xusuusatay doorkii uu Aabaheeda uu ku lahaa dhiiragelinteeda kadib qalbi-jabkii kasoo gaarey dagaalka sokeeye.

Sanadkii 2018-kii ayay noqotay haweenaydii ugu horeysay oo Muslim ah oo kamid noqotay Congress-ka Mareykanka. Rashida Tlaib oo laga soo doorto gobolka Michigan ayaana wehlisay waqtigaas.

Iskoorka illaa iyo hadda diiwaanka ugu jira Ilhaan wuxuu yahay in ay noqotay qofkii ugu horeeya ee Xijaab ku gala Congress-ka.

Xilli ay Ilhaan Cumar kamid tahay siyaasiyiinta safka hore kaga jira ololahala dagaalanka Coronavirus, tiradda dadka uu cudurkaan dilaaga ah ku laayey gudaha Mareykanka ayaa sii cagacageynaya 116,000.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM