Abiy Axmed oo Al-Siisi kala hadlay Khilaafka ka taagan Wabiga Nile

Image

QAAHIRA - Madaxweyniyaasha Masar iyo Itoobiya ayaa kawada hadlay sidii xal looga gaari lahaa muran xooggan ee ka taagan wadaagga wabiyaha Wabiga Nile, kaasi oo ay ku tiirsan yihiin shacuubta dalal dhowr ah oo Africa ku yaalla.

Abiy Axmed oo booqasho labo maalmood ah ku jooga Masar ayaa shalay Qaahira kula kulmay Cabdi-Fitaax Al-Siisi, waxaana kulankooda hareeyay arinta Wabiga Nile oo dhalisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labad dowladood.

Labada hogaamiye ayaa isku deyayaan inay qaboojiyaan xiisad ka dhalatay Biyo xireen ay xukuumada Addis Ababa ka dhiseyso wabiga Nile, taasoo Qaahiro ay sheegtay inay halis ku tahay saamiga biyaha ee gaari jiray shacabka Masar.

Mashruuca biyo xireenka Itoobiya oo lagu qiyaasay inay ku baxeyso aduun lacageed dhan 6.4 Bilyan oo dollar ayaa waxaa laga hergelinayaa meel 500-KM waqooyiga Galbeed uga beegan Addis Ababa.

Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD] oo dhererkiisu gaarayo 1,800 mitir [(509 feet), islamarkaana joogiisu yahay 155 mitir [(509 feet), ayaa wuxuu noqonaya midka ugu balaaran ee Afrika.

Mashruucan oo dhismihiisa la billaabey 2011, ayaa ujeedkiisu yahay in laga soo saaro Koronto, waxaana dhisanaysa Shirkadda Korontada Itoobiya [Ethiopian Electric Power] taasi oo ah mid ah ay dowladdu leedahay.

Dowladaha Sudan, Masar iyo Itoobiya ayuu mashruucan Khilaaf ka dhex abuuray, oo isku haysta wabiyga Wabiga Nile.

Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa Axadii shalay uu balanqaaday Al-Sisii markii uu la kulmay in Biyo Xireenka GERD uusan hoos-u dhigi doonin saamiga dalka Masar uu ka heli jiray biyaha Nile.

"Ma jiraan wax dhibaato ah oo Masar uga imaan doona biyo xireenka. Mana dooneyno inaan dhibaateeno Masar, waanu daryeeli doonnaa Niilka waananu sii wadaynaa qaybtaada," ayuu yiri Abiy Axmed.

Dalalka kala ah, Masar, Suudaan iyo Itoobiya, oo ah kuwa ugu badan ee wadaaga biyaha Wabiga Nile ayaa waxaa usocday mudo bil ah wadahadalo ku saabsan wadaagita Biyaha Nile, kuwaasoo qaar fashilmay.

Masar waxay si gaar ah uga walaacsan tahay in biyo-xidheenkan ay Itoobiya dhiseyso uu yarayn karo biyaha ay wabiga ka hesho, taasoo saameyn karta beeraha iyo warshadaha dalkaas.

Heshiis ay gaaraan dalalkan Tobban sano ka hor, ayay isku raaceen inay si siman u qeybsadaan Biyaha, iyadoo Masar ay udub dhaxaad u noqoneyso.

Hogaamiyayaashii hore ee Masar ayaa ku hanjabay tallaabo millateri qaadi doonan haddii ay timaado isku day kasta oo lagu doonayay in laga gacan-bid-xeeyo Wabiga Nile, laakiin Al-Sissi ayaa meesha ka saaray go'aankaas.

Laakiin, dhammaadka shirkii jaraa'id, wuxuu codsaday balanqaad xooggan. Wuxuu Axmed weydiistay inuu Ilaah ku dhaarto inuusan wax yeeleynin qaybta Masar ee biyaha ku leedahay.

"Waxaan ku dhaaranayaa Ilaah, marnaba annagu waxba uma dhimi doono saamiga Masar ee Biyaha Nile," ayuu Ahmed ku celiyay isagoo adeegsanaya luqadda Carabiga ka dib codsigii Al-Sissi.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April, Abiy Axmed ayaa qaadey tallaabooyin uu xal ugu radaiyo mashaakilka gudaha iyo badda dalkiisa ka haysta, isagoo safaro ku bixiyay dalal dhowr ah si uu u hagaajiyo xiriirka dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM