Australia: ciyaaryahan u geeriyoodey kubbad madaxa kaga dhacdey

Image

November 27, 2014 (GO)- Ciyaaryahan caan ahaa oo u dhashay Australia islamarkaana ciyaari jirey kubadda cricketka ayaa u geeriyoodey dhaawac labo maalmood kahor madaxa kasoo gaarey.

Phillip Hughes oo 25 jir ahaa Isniintii ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Sydney kadib markii kubadda yar ee cricket-ka lagu dheelaa madaxa kaga dhacday.

Ciyaaryahanka ayaa dhulka ku dhacay dabadeena miyiri beelay waxaana daqiiqado kadib loo qaaday isbitaalka St Vincent's halkaasoo markii dambe uu ku geeriyoodey.

Dr Peter Brukner oo ah dhaqtarka gaar ah ee xulka qaranka Australia ayaa sheegay in Hughes u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qaybta dambe ee madaxa.

Phillip Hughes wuxuu kamid ahaa ciyaarhannada ugu xirfadda fiican looguna jecel yahay kuwa dheela kubadda cricket-ka ee dalka Australia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM