Maalqabeen u dhashay Falastiin oo lagu xiray dalka Sacuudiga

Image

Maalqabeen u dhashay Falastiin oo lagu magacaabo Sabih al-Masri ayaa lagu xiray dalka Sacuudiga xili halkaasi uu howlo ganacsi u joogay, waxaa sidaasi Wakaalada Reuters u xaqiijiyay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Maal qabeenkan reer Falastiin oo 80 jir ah ayaa waxaa uu maamule ka yahay shirkad loo yaqano "Zara Investmen" waxaana xiliga la xiriyay ay wada socdeen masuul shirkadaasi ka tirsan.

Sabih oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Bangiga Arab Bank ayaa lagu qabtay magaalada Riyad, waxaana su’aalo la xiriira musuq-maasuq lagu weydiinayaa xabsi halkaasi ku yaalla.

Ganacsadahan Falastiin ka soo jeeda ayaa la sheegay in uu heysto dhalasho Sacuudi ah iyo mid kale oo Jordan ah.

Booliska dalka Sacuudiga ayaan wali faah-faahin ka bixin waxa salka uu ku hayo xariga maal qabeen Al-Masri.

Sabih al-Masri oo midkamida ganacsatada ugu caansan dalka Jordan ayaa sidoo kale adeer u ah Munib al-Masri oo ah shaqsiga ugu hodonsan Falastiin.

Maal qabeenka la xiray ayaa la sheegay in xiliga booliska ay gacanta ku dhigayeen in uu shir kula balansanaa xubno ay ganacsi wadaagaan laakiin shirkaasi ayaa baaqday markii booliska ay xabsiga u taxaabeen.

Ma jirto eedaymo rasmi ah oo wali lagu soo oogay maal qabeen Sabih Almisri oo u dhashay dalka Falastiin, balse xarigiisa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Boqortooyada dalkaasi ay wado howlgallo ay kula dagaalamayso musuq-maasuqa.

Waxay ciidamada dalkaasi xireen Ganacsato, Wasiiro iyo 11 boqortooyda kamid ah kuwaasi oo loo haysto arrimo la xiriira masuq-maasuq, waxaana dadka xabsi looga dhigay hotel ku yaalla Riyadh oo lagu magacaabo Ritz-Carlton hotel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen oo weerarro is-weydaarsaday

Weerarada cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ay mar kale sare u kacayaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 05:11PM

Puntland iyo Mareykanka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay buuraha Cal Madow

Buuraha Cal Madow ayaa muddo dheer ahaa deegaan ay kooxaha hubeysan ku leeyihiin saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 10:58AM