Maalqabeen u dhashay Falastiin oo lagu xiray dalka Sacuudiga

Image

Maalqabeen u dhashay Falastiin oo lagu magacaabo Sabih al-Masri ayaa lagu xiray dalka Sacuudiga xili halkaasi uu howlo ganacsi u joogay, waxaa sidaasi Wakaalada Reuters u xaqiijiyay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Maal qabeenkan reer Falastiin oo 80 jir ah ayaa waxaa uu maamule ka yahay shirkad loo yaqano "Zara Investmen" waxaana xiliga la xiriyay ay wada socdeen masuul shirkadaasi ka tirsan.

Sabih oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Bangiga Arab Bank ayaa lagu qabtay magaalada Riyad, waxaana su’aalo la xiriira musuq-maasuq lagu weydiinayaa xabsi halkaasi ku yaalla.

Ganacsadahan Falastiin ka soo jeeda ayaa la sheegay in uu heysto dhalasho Sacuudi ah iyo mid kale oo Jordan ah.

Booliska dalka Sacuudiga ayaan wali faah-faahin ka bixin waxa salka uu ku hayo xariga maal qabeen Al-Masri.

Sabih al-Masri oo midkamida ganacsatada ugu caansan dalka Jordan ayaa sidoo kale adeer u ah Munib al-Masri oo ah shaqsiga ugu hodonsan Falastiin.

Maal qabeenka la xiray ayaa la sheegay in xiliga booliska ay gacanta ku dhigayeen in uu shir kula balansanaa xubno ay ganacsi wadaagaan laakiin shirkaasi ayaa baaqday markii booliska ay xabsiga u taxaabeen.

Ma jirto eedaymo rasmi ah oo wali lagu soo oogay maal qabeen Sabih Almisri oo u dhashay dalka Falastiin, balse xarigiisa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Boqortooyada dalkaasi ay wado howlgallo ay kula dagaalamayso musuq-maasuqa.

Waxay ciidamada dalkaasi xireen Ganacsato, Wasiiro iyo 11 boqortooyda kamid ah kuwaasi oo loo haysto arrimo la xiriira masuq-maasuq, waxaana dadka xabsi looga dhigay hotel ku yaalla Riyadh oo lagu magacaabo Ritz-Carlton hotel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM