Boqorka Sacuudiga oo cafis u fidiyey maxaabiista u dhashay Masar

Image

RIYADH - Boqor Salman Bin Cabdicasiis, ayaa amar ku bixiyey in cafis lagu sii daayo tirro aan la shaacin oo kamid ah maxaabiista reer Masar ee ku jiray xabsiyada Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka u faafisa Sacuudiga, inta badan maxaabiista la cafiyay ayaa loo haystay kiisas la xiriira in ay u hogaan-sami waayeen shuruucda deganaanshiyaha.

Wakaalada ayaa ku warameysa in Cabdifitaax Al Sisi, Madaxwayne Masar, uu boqor Salmaan uga mahad-celiyey go’aanka cafiska maxaabista, taasi oo muujinaysa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Dowladaha Sacuudiga iyo Masar ayaa kamid ah dalal carbeed oo xiriirka u jaray Qadar June, 2017, islamarkaana kusoo rogay xayiraad dhinaca cirka, dhulka iyo badda.

Boqor Salman ayaa cafiska ku dhawaaqay isagoo ku sugan Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeedka u dhaxeeya ururka Jamaacada Carabta iyo Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM