Ciidamada Israel oo toogasho ku dilay Falastiini Naafo ah

Image

GAZA - Nin reer Falastiini ah, kaasoo labadiisa lugood ku waayey duqeyn dhacday Gaza sanadkii 2008-kii ayaa lagu toogtay meel ku dhow Xuduudka Gaza, intii uu socday Dhibaxyadii looga soo horjeeday ka furitaanka safaarada Mareykanka ee Quddus.

Faadi Abuu Saalax oo ah 29-sano jir, ayaa waxaa la toogtay Sabtidii isagoo ka qeyb-qaadanaya dhibaxyo ka dhacay dhulka la haysto ee Gaza, waxaana dilay Askari Israa’iili ah.

Marxuumka wuxuu naafo ku noqday duqayn ay Yahuuda fuliyeen intii uu socday Duulaankii Gaza 2014-kii.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Israa’iil ay dilaan qof naafo. Bishii Janaayo, 29-sano jir, Ibrahim Abu Thuraya, kaasoo labadiisa lugood ku waayey weerar Yahuuda fuliyeen Toban sano kahor ayaa lagu toogtay meel ku dhow xadka Gaza.

Kadib baaritaano hordhac ah, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in si ula kac ah aanan loo beegsan Abu Thuraya, islamarkaana aysan helin caddeymo muujinayo sida uu dilka u dhacay wax ku saabsan “anshax ama fashil dhanka xirfad ah.”

Tan iyo subaxnimadii maanta oo Talaabo ah, ugu yaraan 52 Falastiiniyiin ah oo banaanbaxayay ayaa la dilay – In ka badan 1,700 waa dhaawac, kadib markii ciidamada Israa’iil ay rasaas nool-nool ay  ku rideen Shacab ku banaanbaxayay Xadka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Falastiitiyiinta ayaa waxay sheegtay in dhimashada ay macquul ah tahay inay intaasi ka badato, maadaama dhaawacyo halis ah la geeyay Isbitaaladda

Isku soo baxyadda, oo u jeedkeedu ahaa in loogala hortago xuska Nakba iyo waliba usoo raritaanka Safaaradda Mareykanka ee  Quddus, ayaa waxay sii socon doonaa illaa iyo 15-ka May, oo ku began Talaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM