Ciyaartooy Mareykan ah oo baajiyay safar kadib dilkii Suleymani

Image

WASHINGTON, USA - Kooxda Kubadda Cagta Mareykanka ayaa shaacisay inay joojisay safarka ay ku tagi lahayd dalka Qatar xilli xiisada gobolka bariga dhexe ay sare usii kacayso.

Ciyaaryahanada ayaa lagu waday inay u ambabaxaan todobaadkan magaalada Doha, si ay halkaasi ugu soo qaataan tababar xilliga qabowga, balse bedelay qorshahooda sababo la xiriira dhinaca amniga.

Qoraal ay soo saartay Kooxda ayaa lagu xaqiijiyay dib u dhaca safarka Qatar, oo yimid kadib markii Mareykanka uu shalay duqeyn ku diley Qaasim Suleymani, oo katirsanaa saraakiisha ciidanka Iran.

Dilka Qaasim Suleymani oo ka dhacay banaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq ayaa dhalilay xiisad xooggan, iyadoo Iran ku goodisay “aargudasho xanuun badan”.

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa qoraal ay soo saartey ugu baaqday dhamaan muwaadiniinta u dhashay Mareykanka inay si deg-deg ah uga baxaan Ciraaq, cabsi laga qabo inay Iran beegsato.

“Iyadoo aan eegeyno xaaladda gobolka, Kooxda Kubada cagta Mareykanka waxay go’aansatay inay dib u dhigto safarkeeda Qatar oo jadwalku ahaa in tababar kusoo qaataan Doha bishaan,” ayaa lagu yiri qiraal kasoo baxay Kooxda kubada Cagta Mareykanka.

Tababaraha Kooxda Gregg Berhalter ayaa tilmaamay in 25-ka ciyaaryahan isku diyaarinayeen kulan ay gobolka California ee dalka Mareykanka kula yeelan doonaan xulka qaranka Costa Rica February 1.

Iran ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin ay ugu aargudi doonaan Qaasim Suleymani, oo ahaa dejiyaha Istaraatiijiyadda military ee dibadda, aadna uga dhex-muuqday dagaalladii Daacish looga saarey Ciraaq iyo Suuriya.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyay amarka lagu dilay Jeneraal Qaasim Suleymani, oo 62 jir ahaa, kaasi oo gaarigii uu la socday lagu dhuftay gantaal diyaaradeed xili uu kasoo baxay garoonka Baqdaad shalay.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay Abu Mahdi al-Muhandis oo ahaa taliye ku-xigeenka maleeshiyada Iran ay taageerto ee al-Xashd al-Shacbi ee dalka Iraq.

Trump waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay inay tallaabadaasi u qaadey Mareykanka inuu ku badbaadiyo muwaadiniintiisa ku sugan Ciraaq, oo uu sheegay in Suleymani u qorsheynayay weerar lagu qaado.

Waxa uu intaasi ku daray Trump in dilka lagu baajinayay dagaal dhaca, balse uusan ahayn mid lagu billaabayay dagaalka, isagoo ugu baaqay Iran inay dejiso xiisadda.

Mareykanka ayaa hadda qorsheynaya inuu 3,000 oo askari u diro bariga dhexe, si ay u xoojiyaan ciidamadii horey gobolka u joogay, kuwaasoo 10,000 kamida ku sugan saldhigga Al Udeid ee Qatar.

Iran ayaa hadda ku jirta 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah, waxaana laga warsugayaa jawaabta ay bixin doonto nooca ay tahay, maadaama laga dilay nin qiimo badan ugu fadhiyay, oo laga cabsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM