Cunsurigii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo Maxkamad lasoo taagey

Image

CHRISTCHURCH - Cunsurigii cadaanka, Brenton Harrison Tarrant ee geystay weerarkii shalay ee labada Masjid ee dalka New Zealand ayaa maanta oo sabti ah lasoo taagey Maxkamad ku taalla degmada Christchurch.

Brenton Harrison Tarrant, oo 28 jir ah ayaa kasoo muuqday Maxkamadda isagoo labada gacmood ka katiinadaysan, oo xiran lebiska Maxaabiista, waxaana sawir laga soo qaadey muujiyay inuu ku faraxsan yahay xasuuqii uu geystay.

Ninkan oo u dhashay dalka Australia ayaa weeraray isagoo ku hubeysan qori nooca daran-dooriga u dhaca labo masjid oo isku dhaw oo ku kala yaalla Linwood iyo Christchurch xilli salaadii Jimcaha lagi jiray.

Dad gaaraya 49 qof, oo Muslimiin ah ayuu ku dilay weerarka toogashada ah, oo uu si toos ah uga baahiyay bartiisa Facebook kahor inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada booliska New Zealand.

Ninkan Muslim naceybka ku fogaatey ayaa 41 ruux ku dilay Masjidka Al-Noor, waxaana 7 daqiiqadood kadib uu weeraray Masjidka kale ee ku yaalla Linwood. Saddex qof oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen dadka la xasuuqay.

Reer New Zealand ayaa iyagoo murugada la qeybsanaya Musliinta tagey labada Masjid

Brenton Harrison Tarrant ayaa weerarkan inuu fuliyo qorsheynayay mudo labo sano ah, sida ay sheegtay warbaahinta dalka New Zealand.

Ra'iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa ku qeexday weerarka mid argagaxiso, midkii ugu xumaa oo dad lagu laayo gudaha dalkeeda, waxayna sheegtay in heerka khatar amniga sare loo qaadey falkan kadib.

Hogaamiyaasha caalamka, oo uu Trump kamid yahay ayaa isku mid u cambaareeyay weerarka New Zealand, iyagoo ku tilmaamay mid argagax leh oo dad aan waxba galabsan lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM