Dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga oo dacwad lagu soo oogay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sarkaal horey uga tirsanaa sirdoonka Sacuudi Carabiya ayaa ku eedeeyay dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan in uu u qorsheynayo dil, wuxuuna dacwad u gudbiyey maxkamad ku taala Mareykanka.

Saad Aljabri, oo sidoo kale haysta dhalashada Malta deganna Canada, ayaa tilmaamay in khaarijintiisa loosoo diray koox gaar ah oo kamid ah dableydii fulisay dilka wariyihii u shaqeynayey Washington Post, Jamal Khashoggi.

Aljabri oo isku qeexay "shaqsi haya xog dhaawaceysa ganacsiga musuqmaasuqa ee Bin Salmaan" ayaa xusay in laba asbuuc kadib dilkii Khashoggi lasoo diray Canada koox u gaarsatada khaarijisana, balse uu ka fakaday.

Sababaha kale ee loo beegsanayo ayuu ku nuux-nuux-saday in ay tahay in uu gacansaar dhow la leeyahay mukhaabaraadka Mareykanka, taas oo xaqiiqo ah kana caawiyey in ay macluumaad la xiriira weerarkii 9/11.

Sidda laga soo xigtay gal-dacwadeedkan loo gudbiyey maxkamada degmada Columbia ee Mareykanka, laba kamid ah caruurta uu dhalay Aljabri ayaa la xiray bishii Maaj, si loogu qasbo in uu isku dhiibo xukuumadda Riyadh.

Safaaradda Sacuudiga ee magaalada Ottawa ayaa ka gaasatay in ay ka jawaabto codsiyo dhowr ah oo la xiriira eedeymaha ka imaaaya 39-jirkaan. Sidoo kale, dowladda Canada waxay dhankeeda diidey in ay ka hadasho.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Mareykanka gaar ahaan kuwa ka tirsan xisbiyadda dimuqraadiga ayaa taageero u muujiyey Aljabri, oo Sacuudiga kasoo cararay 2017-kii, bilowgiina degay Turkiga, una wareega Toronto.

Qareenada Ameerikaanka ah ee Aljabri oo ka cagajiidey in ay saxaafada la hadlaan ayaa ku adkeystay in ay dooda kusoo bandhigi doonan gudaha maxkamadda.

Tan iyo markii uu xukunka yimid, Maxamed bin Salmaan ayaa gudaha dalkiisa looga arkaa in uu yahay mid isbedel horseedaya, hase ahaatee, sumcadiisa aduunka waxay u muuqataa mid maalinba maalinta xigta ay wiiqmeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM