Imaaraadka oo hal shardi ku xiray soo celinta xiriirka Soomaaliya [DAAWO]

Image
Image
Image

LONDON - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay soo celinta xiriirka kala dhaxeeyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo meeshii ugu hooseysay gaarey wixii ka dambeeyay bishii April ee sanadka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka doonayaan raaligelin inay ka bixiso la wareegista $9.6 million (Sagaal Milyan iyo Lix boqol oo kun) iyo xad-gudubkii loo geystay mas'uuliyiintii la socday diyaaradda lagu xannibay Garoonka diyaaradaha Muqdisho 8-dii April 2018.

Lacagta ayaa ahayd mid Imaaraadka uu ugu talagalay in lagu bixiyo Mushaarka Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay Madal su'aallo waydiin ah oo ay soo qaban qaabisay xarunta "Policy Exchange" ee dalka Ingiriiska, ayaa wasiirka ka sheegay hadalkan, isagoo xusay in Imaaraadka uu garab taagnaa Soomaaliya xilliyo adag oo dhibaatooyin ka jira.

"Waa nalagu xad-gudbay, marka la fiiriyo sida loola dhaqmay diyaaraddii wadey $9.6 million iyo mas'uuliyiinta la socday, waxaana dooneynaa in arintaasi laga bixiyo raali-gelin, taasi oo aan hadda ka shaqeynayo," ayuu yiri Anwar Gargash.

Anwar Gargash ayaa daboolka ka qaadey in Imaaraadka uu lasoo shaqeeyay dowladihii xukunka isaga dambeeyay ee Soomaaliya, balse dowladda Federaalka ee hadda jirta ay feker qaldan ka aamintay doorka Imaaraadka ee Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay wasiirka in Imaaraadka uu joogay Soomaaliya xilli adag oo aan jirin dal kale oo caawiya shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu ka qeyb-qaatey dedaallada xasilinta dalka Geeska Africa dhaca ee colaadaha ay halakeeyeen.

Anwar Gargash ayaa xusay in wali Imaaraadka diyaar u yahay inuu sii wado taageeradii uu siin jiray Soomaaliya, balse ay u baahan yihiin in laga raali-geliyo xad-gudubkii ay ku sameysay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhacadii muddada saacadaha ahayd xiisad diblumaasiyadeed ka dhex abuurtay dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sababtay in xukuumadda Abu Dubai ay joojiso tababarkii iyo dhaqaalihii ay siin jirtay qeybo kamid ah Ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, Imaaraadka ayaa wuxuu Tababarayaashiisa uu kala baxay guud ahaan Soomaaliya, gaara ahaan xeradda tababarka ee Janaraal Gordan ee magaalada Muqdisho, taasoo hadda ay dowladda Federaalka u raadinayso dowlad kale oo la wareegta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon siyaasadeed gashay tan iyo markii ay sheegtay inay dhaxdhaxaad ka noqotay xiisadda Khaliijka, oo ka dambeysay falkaan, inkasta oo lagu eedeeyay inay la safatay Qadar.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Muqdisho looga mahad-celiyay Imaaraadka mowqifkiisa ku aadan inuu ilaalinayo madax-banaanida Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM